Deni oo shaaciyey "wadada furan" hadii qof iyo cod dhici waydo 2021

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay caleema saarka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa kusoo qaadey xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira.

Ugu horeyn, Deni oo u hambalyeeyay Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in uu u soo ajiibay casuumaadka maadaama "ay tahay waajib na saaran marka maamuladdu qaybsanayaan munaasabaddana noocaan ayna u qalmaan".

Guusha hogaamiyaha maamulka Kismaayo ee Axmed Madoobe ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay ku timid geedi u socod xaq ah isla markaana xalaal ah.

Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubbaland, oo u xiran dowladda Soomaaliya, ayuu cod dheer ku dalbaday in xorriyadiisa loosoo celiyo. "Maadaama uu la didiray argagixisada, wuxuu mudnaa abaalmarin, ma mudna xariga".

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayuu ugu hambalyeeyay ku guuleysiga abaalmarinta nabadda aduunka. "Waxaa lagu sii daayay nabadii uu ka keenay Eritrea oo ay 20-sano colaad kala dhaxeysay Itoobiya".

"Mar walba oo uu khilaaf yimaado, qofka weyn ayaa samra. Dowladda federaalka, hadii khilaaf jiro in ay samarto ayaan rajeynayaa," ayuu hadalkiisa ku daray.

Axmed Madoobe, madaxweynaha la caleema saarey, ayuu ku booriyay in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo xal ka gaarista ismaandhaafka ka dhashay dib u doorashadiisa iyo qancinta murashaxiintii laga badiyey.

Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Sheekh Shariif Axmed ayuu ku ammaanay doorka ay ka qaateen in dalku ka baxo nidaamka ku meel gaarka, halka Xasan Sheekh uu ku bogaadiyey hirgelinta maamuladda iyo la shaqeyntooda.

Doorasho qof iyo cod ah oo qabsoonta 2021/22 ayuu rumeysan yahay in ay "adkaan doonto" iyadda oo aanan Dastuurka lagu qabyo tirrin hanaan loo dhan yahay oo ay dowlad goboleedyaddu qayb ka yihiin.

"Haddey taasi adkaato, xal looma waynaayo Puntland ayaa looga dayayaan oo arrintaasi khabiir ku ah. Puntland 20-sano bey lahayd 20-sano qof iyo cod baan galeynaa. Duruufo kasta ha I diidaanee, marka uu xiligu dhamaado oo duruufo la gaari waayo…baarlamaanku wuxuu soo saaraa warqad lifaaq ah, oo u ogolaanaya in qabaa'ilku soo xushaan xubnihii baarlamaanka," ayuu yiri.

Deni oo meesha ka saaray muddo ku darsi ay dowladda haatan jirta ee uu hogaamiyo Farmaajo ayaa ku adkeystay in qaabkan uu noqon karo hanaanka kaliya ee furan hadii qof iyo cod ay hirgelin waydo xukuumada.

"Marka waxaan rajeynayaa hadii taa la gaari waayo, in waddo kale oo ku darsi ah oo taa waa la gaari waayey aysan jirin, wadada furan waxa weye wadooyinkii hore oo la mari jiray, hadii la rabo in wax laga bedelo," ayuu xusay.

Gabagabada, kalmadiisa isaga oo ku nuux-nuux saday in uu xoojin doono dhaxalkii ay la tageen hogaankii hore ee Puntland oo ahaa midnimada iyo wadajirka dalka, Deni wuxuu soo jeediyay in laga hoos baxo kaalmada dibadda ah.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM