Deni oo ka hadlay gabar kufsi iyo dil loogu geystay Galkacayo [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul uga fal-celiyay gabar kufsi iyo dil loogu geystay magaaladda Gaalkacyo ee caasimad goboleedka Mudug, qaybta ay maamusho Puntland.

Marxuum Caasho Ilyes Aadan, 12-sano jir ardayad ahayd, oo la weysanaa tan iyo shalay, ayaa meydkeeda laga helay saaka meel ku dhow gurigooda, iyada oo jirkeeda uu ka muuqday jirdil iyo kufsi loo geystay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Caasho la kufsaday lana jirdilay kahor inta aanan la dilin.

Deni ayaa ku tilmaamay falkaan mid "ku xun Bini’aadanimada, Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed," isaga oo wacad ku maray in talaabo adag la marsiin doono cid kasta oo lagu helo inay ku lug-laheyd.

"Waxa sidaasi sameynaya waa dhalinyarro..waxaan rajeynayaa in dowladdu talaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku xad-gudubta karaamada bini’aadamka," ayuu Madaxwaynuhu raaciyay.

Shacabka magaaladda Gaalkacyo oo si wayn uga caroodey dhacadaan ayaa sameeyay dibad-bax ay ku dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno kuwii geystay falkaan.

Maamulka magaalada oo amar ku bixiyey in la fasaxo dhamaan goobaha waxbarashada Talaadada berri ah ayaa ku booriyey bahdii waxbarashada oo ay ka baxday Caasho in ay banaan-bax nabadeed ku muujiyaan dareenkooda.

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya iyada oo taliska Booliska Gaalkacyo qaybta Puntland uu shaaciyey in la qab-qabtay tirro dad ah oo lagu tuhmayo in ay wax ka ogaayeen kiiskaan, kuwaasi oo baaris kadib maxkamad loo diri doono.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM