Deni oo xariga ka jaray qasriga madaxtooyadda Puntland ee Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Weftiga Madaxweynaha ayaa intaanay soo gaarin Gaalkacayo waxa ay kusoo hakadeen magaalada Heemo oo uu halkaasi Madaxweynuhu Salaan ugu tagay Shiikh Maxamed Cabdullaahi Baardheere. Sidoo kale weftiga Madaxweynaha ayaa kusoo hakaday magaalada Daarusalaam oo ay shacab aad u balaadhan kusoo dhoweeyeen, waxaana uu Madaxweynuhu kelmed mahadcelina u jeediyey shacabka magaaladaasi.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan joogo, magaaladii nabadda "DAARU SALAAM" waa magaalo nabdoon, waa magaalo nabadeed, waxaan rajaynayaa nabaddaasi inay ku waarto Insha Alla, dowladduna waxay ka qaadanaysaa kaalinteeda horumarinta magaaladan".

"Waxaan u mahadcelinayaa shacabka quruxda badan ee nagu soo dhoweeyey halkan, waxay muujinaysaa tani wanaagga iyo dawladnimada ay rabaan shacabku" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Deni iyo weftigiisa ayaa ugu dambayn soo gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, duleedka magaalada ayaa waxaa weftiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, masuuliyiin ka tirsan Geleyaasha dawladda Puntland, nabadoono, siyaasiyiin, waxgarad, qaar kamida ururada bulshada iyo masuuliyiin kale.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacayo, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in si tayoleh loo dhisay dhismaha Madaxtooyada, islamarkaana waxa uu bogaadiyey xukuumaddii hore ee Madaxweyne Gaas oo dhistay xaruntani.

"Runtii waan ku faraxsanahay inaan Gaalkacayo soo gaaro, waan uga mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay soo dhoweyntayada, waxaan rajaynayaa mudada aan halkan joogno inaan kulamo qaadandoono, waxaanna iska waraysandoonnaa dalka horumarkiisa iyo mustaqbalkiisa"

"Waxaan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jarno qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo, waxaan marka hore uga mahadcelinayaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo runtii aasaaskeedii iyo hirgelinteedii lahaa, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shirkaddii dhistay oo shaqo fiican oo qurxoon ka qabatay, illaalisay goobihii taariikhiga ahaa, waxaan kaloo ka mahadcelinayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Puntland State House

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM