Deni oo dhaliilay qorshaha xukuumada federaalka ee xasilinta Muqdisho

Puntland
By WARIYAHA GAROWE , GAROWE ONLINE
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dhaliilay qorshaha xukuumada Soomaaliya ee xasilinta caasimadda.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay Damaashaadka 1-da August iyo Madaxtooyadda Puntland ayaa ka hadlay xaalad amni ee caasimada dalka ee Muqdisho.

Magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayey falalka liddiga u ah nabad-gelyadda oo ay geysanayeen kooxaha dowlada kasoo horjeeda.

Markii ay kordheen dhacdooyinkaasi oo uu ugu dambeeyay mid lagu beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen dowladda ayaa xir-xirtay wadooyinka, si loo yareeyo weerarada.

"Waxaa kordhay falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabtay waddo xiris, taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii dhibannaa xal amnina aan keenin." ayuu yiri Deni.

HOOS KA AKHRISO KHUDBADDA DENI OO DHAMEYSTIRAN

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Dowladda Federaalka
Guddoomiye K/X Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland,
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland
Golayaasha kale ee Dowladda heer Federaal iyo heer Puntland
Madaxweynayaashii iyo Madaxweyneku ku-xigeenadii hore ee Puntland,
Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida,
Xubnaha beesha caalamka iyo safaaradaha
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka,
Isimadda, cuqaasha iyo culimada
Haweenka, dhallinyarada, saxaafadda iyo qaybaha bulshada rayidka ah.

Mudanayaal iyo Murwooyin,

Waxaan idin ku salaamayaa dhammaantiin salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATU.

Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxaan si gaar ah u ahayn saxiib dhow wakhti dheer. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa caruurtii iyo xaaskiisii.

Waxaa sharaf noo ah dhammaanteen ineynu u dabaal degayno sannad guuradii 21aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Dowladda Puntland. Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa Guulihii iyo waxqabadyadii faraha badnaa ee halkaan caawa looga sheekeeyey oo ay ugu horreeyaan dhismaha hanaanka dowladnimo, adkeynta amniga iyo taabba-gelinta horumarka dhaqaalaha, siyaasada iyo adeega bulshada.

Waxaan bogaadinayaa iskutashiga reer Puntland horumarkaas ku gaareen waxaana ugu baaqayaa shacabka reer Puntland in ay sii wadaan halgankaas si loo gaaro hadafyadii loo aasaasay Puntlnad oo ay ka mid tahay yagleelidda Dowlad dhexe oo Federaal ah, kuna dhisan maamul wanaag iyo sarraynta sharciga.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa aasaasayaashii Puntlnad; isimo, siyaasiyiin, waxgarad, haween, dhalinyaro, ganacsato iyo qurbojoog ba intooda nool waxaan u rajayanyaa cimri dheer iyo cibaado suuban, intoodii dhimatayna janno iyo naxariis ALLE.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Guddiga qabanqaabada xuska sannadguurada 21aad oo runtii hawl adag qabtay, dhammaan shacabkii, ciidankii iyo shaqaalihii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen fardooleyda, ubaxa Punland, haweenka, xaafadaha, walaalaha Puntlnad, ardayda, dhalinyarada, shaqaalaha caafimaadka, beeraha, kalluumaysiga, shirkadaha korontada, dabdamiska, ciidamada, taraafikada, asluubta, booliiska, difaaca xeebaha, ciidamada difaaca Puntland qaybahoda kala duwan sida daraawiishta, cigaaleyda, kumaandoosta iyo gaadiidka gaashaaman dowrkii waynaa ee ay kaga qayb qaateen damaashaadkii saaka kasoo bilowda bartamaha Magaaladda Garoowe, dhamaan dadweynaha reer Putnland ee ku damaashaadaya gudaha iyo daafaha dunidaba, iyo dhamaan walaalaha meelaha fogfog dalka guduhiisa iyo dibaddiisaba inoo ka yimid si ay xuskaan inoo kala qayb galaan. Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye K/X aqalka sare iyo wafdiyadii la socday.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1-da Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Haddii aan dib u milicsano geedi socodka dowladnimo ee Puntland waxay inoo sawireysaa taariikh horumar iyo taariikh dowladnimo la taaban karo. Tusaale ahaan 1998kii Puntland waxaa ka jirey 28 Iskuul oo lagu kala dhigo dhowr iyo toban manaahij oo kala duduwan. Maanta waxaa Puntland ka jira illaa 1,000 school oo dhammaantood ku shaqeeya hal Manhaj oo midaysan.

Ardeyda ka qallin jebisa dugsiyada sare waxaa u diyaarsan oo ay kala doordoortaan 13 Jaamacadood oo dhamaantood la aasaasey 20-kii sanno ee la soo dhaafey. Waxaa sidoo kale Puntland ku soo kordhey 23 cisbitaal iyo dhowr-kun oo xarumo caafimaad oo loogu adeego bulshada oo dhan. Waxyaalaha la taaban karo oo adeegyadaas ka dhashey waa arin aad u farxad gelineysa dadka Soomaaliyeed oo dhan. 3% oo keliya ayaa laga tallaali jirey cuduradda dilaaga ah caruurta ku dhalata Puntland 1998-dii. Waa Ilaahay mahadiis ah in maanta la tallaalo 87% caruurta ku dhalata Puntland waxaana idiin ballanqaadayaa in aanan ka seexan doonin kor uqaadista horumarka Puntland oo ay Dowladeydu
nasiib u yeelatay in 21 Sano kabacdi aan hoggaanka u qabano Puntlandta Maanta, una gaarsiino Puntlandta aan dhammaanteed wada
higsanayno.

Walaalayaal, waxaana guulahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan ku gaarney wadajirka, iskutashiga iyo wadashaqaynta dowladda
iyo shacabka reer Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Dowladda Puntland ee aan hoogaanka u hayaa waxay leedahay yoolal waaweyn oo ay tahay ineynu gaarno 4ta sano iyo dhowrka bilood ee soo socota haddii Allaah idmo. Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada, iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba. Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda.

Waxaa ka mid ah yoolasha aan higsanayno kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo muddadii yarayd ee an joognay shaqooyin fiican nooga qabsoomeen annaga oo qorshaynayna in waqti dhow ay bilaabaan mashaariic waawayn oo iskugu jira dhisme iyo dayactir waddooyin halbowle ah, ballaarintii Dekedda Boosaaso, dhismaha dekedda Garacad, Marsooyin laga hirgaliyo magaalooyinka xeebaha ah, dhismaha Airport ka Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha Puntlnad.

Waxay dowladdu xoogga saaraysaa sidii ay u horumarin lahayd ganacsiga iyo maalgashiga gudaha iyo dibada. Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba ugu bishaareynayaa in ay Puntland u furan tahay maalgashi iyo kala faa'iideysiga. Iyadoo taa la taabagelinayo ayaanu qabanaynaa shirweynaha maalgashiga Puntland oo dhici doona bartama Bisha Sibtembar ee foodda inagu soo haysa.

Mudanayaal iyo Murwooyin

Waxaa kale oo ka mid ah Yoolasha aan taabbagelinayno adkayntla midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland. Puntland waxaa aasaastay shacabka walaalaha ah ee goboladii 5 ahaa iyo degmaada Buuhoodle, maanta 21 sano ka dib waxay noqdeen 9 gobol oo dhamaantood uu ka hanaqaaday hannaanka dawladnimu uuna gaaray adeegyada kala duwan ee bulshada.

Waa xaqiiq in gaabis iyo isudheelitirnan la’aan dhinaca horumarinta ah ay jirtaan sabab kasta hakeentee, dawladda aan madaxda ka ahay waxaan ballanqaadnay kuna shaqo bilownay inaan caddaalad iyo sinnaan ugu adeegno dhamaan bulshada reer Puntland gobol iyo degmo kasta ha joogeene. Si gooni ah waxaan xoogga saarnaynaa in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan difaac, daryeel iyo horumar dhaqaale iyo arrimaha bulshada.

Waxaan hirgalindoonaa hindise hormarineed oo ku aaddan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn si bulshada goboladaasi u helaan horumarka ay mudanyihiin. Waxaan sidoo kale caawa halkaan idiin ka sheegayaa in Magaaladda taariikhiga ah ee Taleex iyo Caasimadda Puntlnad aan sannadkaan inta uusan dhamaan la daahfuridoono dhismaha waddo isku xirta labadaas magaalo, iyadoo dhinaca kalana la daahfuridoono waddo kale oo isku xiridoonta degmada Boocame iyo laamiga Garowe-
Laascaanood.

Mudanayaal iyo Marwooyin

21 dii sano ee ay Puntland jirtay waxa qorshuhu ahaa bulshaduna ku taameysay in laga gudbo hannaanka doorasho ee qabaliga ah oo looga gudbo hannaan doorasho oo dimuquraadi ah oo muwaadin kasta oo Puntlandi ah dhiibto codkiisa si uu u doorto mas’uulka matalaya iyo madaxda heerarka kala duwan ee maamulka. Inkastoo dadaal farabadan
lagu bixiyey arrinkaas hadana maysan suurto gelin.

Si aan korna ugu qaadno hammiga iyo hiigsiga dadka reer Puntland, Waxaan gaarsiin doonaa dadkayaga in ay wakiiladooda golayaasha degaanka iyo baarlamaanka ku soo doortaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ah qof iyo cod. Taasi waxay xoojinaysaa dowladnimadeena iyo kalsoonida ka dhexaysa shacabka, wakiiladooda iyo madaxda sare ee dowladda.

Waxaan idiinku bishaareynayaa in si dhaqso ah aan kusoo dhisidoono Guddiga doorashooyinka Puntlnad. Waxaa naga go’an in Puntlnad aan gaarsiino hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo kor u qaadaysa dadku inay helaan matalaad ay iyagu doorteen, waxaanna hubaa in dad badan oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka iyo cid kasta oo ku dulman nidaamka qabaliga ah ay helidoonaan fursado lagu doorto.

Mudanayaal iyo Marwooyin

Waxaa mandaqada Puntland ka soo jeeda geesiyaal badan oo u soo halgamay naftoodana u huray u dagaalanka xorriyadda, dhismaha qaranka iyo adkaynta midnimada Soomaaliyeed. Taasi waxay ka turjumaysaa hadafyadii loo asaasay Puntland oo ay ka mid ahayd ilaalinta wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Welina taas ayey Puntland u taagan tahay.

Nasiib darro, dagaaladii sokeeye ee sagaashanaadkii waxay keeneen in la kala irdhoobo lana kala aamin baxo iyadoo dalkuuu ahaa hal magaalo 9 ka-noool, markii ay duntayna dalkii oo dhan baa dumay, dhaqaalahiisii, aabayaashiisii iyo dowladnimadiisiiba Hadaba si taas xal loogu helo waxaa mar kale la baadigoobay dowladnimadii Soomaaliyeed iyadoo Puntland ay hormuud u ahayd hoggaan iyo shacabba. Waxaa xal loo arkay in markaan lagu dhiso nidaamka Federaalka ah, maadaama lagu guuldaraystay nidaamkii urursanaa. Maanta waxaa inoo dhisan Caasimasdeenii Muqdisho oo kasoo kabanaysa lana soo laabanaysa bilicdeedii si kasta oo nabad diidku u wiiqaan, Ceerigaabo, Boosaaso, Laascaanood, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Beletweyn, Jowhar, Baydhabo, Marka, Baraawe, Kismaayo, Baran, Garbahaaray, Hargeisa, Borame iyo kuwo kale oo badan. Sidaasi awgeed waa in aynu fursad iyo dadaalba gelinaa sidii si hufan loogu hirgelin lahaa loona horumarin lahaa nidaamka federaalka aynu isku afgaranay.

Mudanayaal iyo marwooyin

Waxaan diyaar u nahay in aan qaadano doorkii hormuudnimo ee bulshada ku dhaqan Puntland ka qaateen helitaanka xoriyadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxaan marwalba diyaar u nahay in aan kaalin mug leh ka noqono dib u dhiska dowladnimada

Soomaaliyeed, taas oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah, sarraynta sharciga, daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Maanta waxaa dheelinaya geedi socodkii dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya, waxaana jirta tabashooyin isasoo tarayay oo ah in la baalmaray hannaankii gindhigga u ahaa geedi socodkaas oo ay ka mid yihiin federaalka, ilaalinta sarraynta sharciga, qaybsiga dhaqaalaha magaca Soomaaliya laguhelo, awood qaybsiga siyaaaadeed iyo hannaanka dimoqoraadiga ah.

Ummadda Soomaaliyeed kuma filna hal ku dhigyo aan waxba wehelinin iyo carqaladayn maamuladda ka dhisan gobolada dalka. Dalkani wuxuu u bahaan yahay in dadkiisa la heshiisiiyo, kalsoonida iyo is aaminaadda dadkiisa kor loo qaado, siyaasadiisana lagu wado wadatashi, walaalnimo iyo isku tanaasul, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha dowladeed heerkooda kala duwan. Dadka Puntlnad dawladnimadii Soomaaliyeed ee ay dhiig iyo dheecanba galiyeen ma aqbali karaan in dhibi gaarto.

Mudanyaal iyo marwooyin

Dhinace kale, waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo fikir walba oo ay qabaanba u xaqiijinaynaa in aanaan marna bedelayn ama yaraynayn, jacaylkii iyo rabitaankii aanu u hayney ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed .

Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedey nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii dhibannaa xal amnina aan keenin. Dhacdooyinkaas xanuunka badan waxaa ugu damaysay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho oo dad badan oo masuuliyiin ah lagu laayay kuwana ku dhaawacmeen, waxaan naxariis ALLE u waydiinaynaa intii dhimatay, waxaana utacsiyeynaynaa ehelkood, caafimaad buuxa ayaana u rajaynaynaa dadkii ku dhaawacmay.

Mudanyaal iyo marwooyin

Waxaan ugu baaqaynaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan arrimaha masiiriga ah sida dhamaystirka dastuurka oo waqti aad u dheer qaatay, amniga iyo dhismaha cudud ciidan oo astaan qaran soomaaliyeed leh, hagaajinta wadashaqaynta ay la leeyihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, wadashaqayntaas oo ku dhisan sharci, is-ixtiraam, faragelin la’aan iyo wadatashi. Waxaan ugu baaqayaa inay ka daayaan faragelinta arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Dhismaha Maamulada dalka waxaa laga soo maray dadaalo aad u dheer waxaana galay maskax iyo muruq badan, maanta uma baahna wiiqis iyo faragelin huwan Olole siyaasadeed ee waxay u baahanyihiin in laga taageero
baahidooda wixii ay ku filanyihiina lagu xurmeeyo.

Waxaan leeyahay haloo daayo dadka reer Jubbaland iyo Galmudug inay iyagu
go’aansadaan cidda talada ay u dhiibanayaan.

Mudanayaal: Gudoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen (Dowladda Federaalka)

Waxaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka sugayaan dhameytirka iyo ilaalinta dastuurkii lagu heshiiyey. Dhammaanteen waajib ayaa inaga saarran ilaalinta sharciyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diyaar ayaan u nahay in aan idin kaala shaqeyno dhameystirka dastuurka iyo sidii loo heli lahaa hannaan hufan oo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah sanadka 2020. Dhinaca kale, Mudane Guddoomiye, waxaan kaaga mahadcelinaynaa kuguna bogaadinaynaa mawqifka hoggaanka baarlamaanka federaalku ka qaatay samaynta sharci doorasho oo loo dhanyahay. Waxaan xusid mudan inaan arrintaas muddo codsanaynay, maantase baarlamaanku qaaday go’aankii ku haboonaa. Waxaan la wadaagidoonaa talada aan hayno guddiga aad magacawday, sida aad sheegtayna waxay wadatashi ugu imaandoonaan maamuladda dalka ka jira. Waa muhiim doorasho xalaal ahi ku dhacdo waqtigii loogu talo
galay.

Mudanyaal iyo marwooyin

Waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba inaynu ka wada shaqayno dowladnimadeena, wadajirkeena iyo midnimadeena.
Waxaan ku soo gunaandayaa hadaylkayga Soomaali waa Soomaali, Soomaliyana Soomaali baa leh.

Soomaaliya ha noolaato, Puntland ha noolato Soomaaliyana ha is raacdo. Waad mahadsantihiin dhamaantiin.


MUUQAALKA KHUDBADDA DENI

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey