Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Image

MUQDISHO — Boqolaal rakaab ah, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta ku xayiran Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ka dib markii la hakiyay duulimaadyadii ku wajahnaa magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay tallaabadan "xanibaad safar" oo qaab siyaasadeysan ay u soo rogtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxay sheegeen in diyaaradihii qorsheysnaa in ay u safraan xarunta gobolka Bay la hor istaagay iyadoo aan horay looga bixin wax ogeysiis ah.

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in aysan ka warqabin amar ka soo baxay xafiiskooda oo lagu joojiyay duulimaadyada Baydhabo, taas oo sii kordhisay madmadowga ku xeeran sababta dhabta ah ee ka dambeysa dib-u-dhaca diyaaradaha.

Garoonka dhexdiisa waxaa ka muuqda saxmad xooggan, iyadoo dadka safarka ah ay muujiyeen walaac ku aadan dib-u-dhaca saacadaha badan qaatay. Rakaabka ayaa isugu jira dad u socda arrimo caafimaad, ganacsato, iyo mas’uuliyiin maamulka ka tirsan oo doonayay in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda.

Ilaa hadda ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday laamaha amniga ee garoonka ama wasaaradda gaadiidka oo ku aadan haddii ay jirto cilad farsamo ama go’aan siyaasadeed oo xanibaadan keenay.

Arintan ayaa imaanaya xili maanta Koonfur Galbeed ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku eedeysay abaabulka dagaal iyo faragelin inay ku hayso Maamulka Lafta-Gareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM