DFS oo faah faahisay waxyaabihii looga hadlay shirarkii Garowe [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamud Guuleed ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay kulan maanta galinkii dambe dhexmaray golaha xukuumadda DFS iyo Puntland.

Guuleed ayaa sheegay in maanta magaalada Garoowe uu ka dhacay labo shir oo mid kamid ah u dhaxeeyay xukuumadaha labada dhinac halka kan kale uu ahaa midkii joogtada ahaa ee golaha wasiirrada DFS.

Wuxuu sheegay in shirarkii guud looga hadlay wadashaqaynta labada dhinac, tabashooyin Puntland muujisay, sii daynta maxaabiis ku xiran Garowe oo kamid ahaa kuwii lagu qabtay falalkii Burcad badeeda, kor u qaadista iskaashiga iyo codsi ka yimid Madaxweyne Gaas oo lagu baajiyay safarkii Ra’isal wasaare Khayre oo ku beegnaa Jimcaha, waxaana laga codsaday inuu ka qaybgalay xaflad loo qabanayo aas-aaska Puntland oo hadda laga joogo saddex cisho.

Wasiir Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in shirki caadiga ahaa ee golaha xukuumadda Soomaaliga looga hadlay arrimo ay kamid ahayd Qaraxii ka dhacay Buuhoodle, dhibaatooyin ka taagan gobolka Gedo, Daabicista lacag shilling Soomaali ah, warbixin laga dhagaystay wasiirka Amniga Soomaaliya, meelmarinta sharciyo uu kamid ahaa mid lagu magacaabo Isxilqaan oo qeexaya in muwaadinku wixii uu awoodo ku bixiyo dan guud, kaasoo loogu diyaargaroobayo 60 sano guuradii kasoo wareegtay xornimadii jirka dowladda Soomaaliya oo ku began 2020ka.

Wuxuu kaloo sheegay in RW Khayre uu maamullada Puntland iyo Somaliland kala hadlay dagaalka Tukaraq, kaasoo uu ku tilmaamay mid aan dani ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay cambaaraysay qaraxii ka dhacay Buuhoodle kaasoo uu ku tilmaamay mid ay shacabka ku dhibaataynayaa kooxaha nabad diidka ah ee dalka ku sugan.

Wasiirka ayaa gunaanadkii waxa laga weydiiyay arrintii muranka badan dhalisay ee ka baaqashadii RW Khayre deegaanka Garacad, wuxuuna ku sheegay in arrintaasi ku jirin ajandayaashii laga dooday.

"Arrintaas waxa dhibaato ah kama jirin dowlad goboleedka Puntland su'aashaas maysan qabin oo miiska wixii lasoo saaray kuma aysan jirin Ra'isal wasaarahana wuxuu aad ugu faraxsanaa wuxuu la kulmay, waxa la isla qorshaystay iyo waxa loo socdo... Anaga dowladda Soomaaliya hadaan nahay dadka Puntland ee aan u nimid Madax iyo Majaba waa noo qanacsanyihiin ninkii qaba inaan naloo qanacsanayn wax ha soo hubsado," sidaas waxaa yiri wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxmauud Geelle

Waa kulankii ugu horeeyay ee wadajir ah oo dhexmara xukuumadda labada dhinac, wuxuuna qabsoomay xilli uu ku sigtay inuu baaqdo kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Madxaweynaha Puntland iyo RW Soomaaliya Xassan Cali Khayre. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM