DFS oo hortaagan soo wareejinta dhalinyaro ku xiran Iran [Dhagayso]

Image

06 September, 2015(GO)-Agaasimaha hay'adda ladagaallanka Burcad Badeedda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in DFS ay hortaagantahay dhalinyaro Somaliyeed oo dalka Iran ugu xiran Burcadnimo kuwaasi oo lagu soo wareejin lahaa Puntland.

Ducaysane waxa uu sheegay inuu muddo ku hawlanaa qaabkii dhalinyaradan oo tira ahaan gaaraya 32 xabsigooda dalka ugu dhameysan lahaayeen, balse dadaalkaasi uu ka socon waayaydhinaca DFS.

Dowladda Iran ayaa horey u codsatay in dhalinyarada lagala wareego waxaan qoraal ka soo baxay Puntland lagu sheegay inay diyaar u tahay sidii loo keeni lahaa Puntland si ay ugu dhameystaan Xabsigooda.

Arinta ku aadan soo celinta dhalinyarada ku xiran dalka Iran ayaa soo jiitamaysay muddo waxayna gaartey Barlamanka Somalia iyadoo ilaa haatan waxba laga qaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM