Dhedo "12 qof ayaa mas'uul ka ah waxa ka socda gobolka" [Dhagayso]

Image

BOOSAASO, Puntland- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa mar kale ka dhacay Bannaanbax silmi ah oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka badeecada kala soo dega dekedda magaaladaas, kuwaasoo cabasho ka muujiyay hannaanka dekedda iyo lacaga ay sheegeen in la dul saaray.

Balse waxaa arrintaas gaashaan ku dhuftay Guddoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), oo ay dhinac joogeen ku-xigeenkiisa iyo Duqa magaalada Boosaaso isagoo tilmaamay in arrintaas ay soo maleegeen dad dano gaar ah leh oo sida uu tilmaamay hormarka kasoo horjeeda.

Dhedo ayaa sheegay in qalalaasaha ka taagan gobolkaas ay ka dambeeyaan Sideed Rag ah iyo Afar dumar ah kuwaasoo tilmaamay inay ku jiraan Nabadoono iyo dad caadi ah.

Ma sheegin cidda dadkaas ay yihiin, balse wuxuu ku goodiyay in 12-kaas qof aysan bur-burin karin waddanka islamarkaana aysan khalkhal galin karin amniga.

"Waxaa socda xawaali, sideed nin iyo afar dumar ah ayaa mas'uul ka ah, qaybtood waa nabadoono, qaybtood waa dad caadi ah, waxa weeye nabadgalyada dadka, dalka iyo hantida 12-kaas qof, ma baabi'in karaan," ayuu yiri Dhedo.

Wuxuu xusay in dadkaas ay maalin kasta keenayaan qorshe cusub, isagoo ku eedeeyay inay horay u abuureen qorshe been ah oo ay ku sheegayeen in lacago dheeraad ah lagusoo rogay dekedda, balse taasi been noqotay.

Dhedo oo si waafi ah uga hadlayay mashruucan iyo in dowladda Puntland awood u leedahay inay heshiis la gasho shirkado caalami ah, ayaa sidoo kale beeniyay in la Iibsaday dekedda Boosaaso.

"Deked la Iibsaday majirto, cid iibin karta oo ku dhacda ama maskaxdiisa ku jirto majirto," ayuu yiri Dhedo oo intaas ku daray inaysan waxba ka jirin wararka lagu khal-khal galinayo dumarka bagaashka lasoo dega, kuwaasoo uu xusay inay yihiin kuwa cabanaya.

Guddoomiyaha gobolka Bari oo sii waramayay ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan ay u yimaadeen Ganacsato ka cabanaya in lacago dheeraad ah lagu rogay badeecooyinkii ay lasoo dagi jireen, kuwaasoo uu xusay inay ka shaafiyeen cabashadoodii oo ay u cadeeyeen in waxa lag kordhiyay ay tahay jajab aad u yar oo aysan dareemi karin.

Wuxuu ugu baaqay in nabadda laga shaqeeyo, oo dadka gobolka laga daayo dhibaatada, isagoo xusay in ka Guddoomiye ahaan aysan marnaba suurogali karin inuu ka aamuso oo raali ka ahaado meel lagu dulminayo shacabka, balse tani ay tahay hormar iyo dekedda la ballaarin doono.

Hadalkan ayaa yimid xilli uu dhammaaday heshiis 10 cesho ah oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo shirkadda maamulaysa dekedda ee loo yaqaano P&O port.

Goor sii horaysay Madaxweynaha Puntland, ayaa xusay in dadka dhibaatada ka wada gobolka Bari ay yihiin hormar diid, isagoo xusay inay ganacsatada kala hadli doonaan cabashadooda oo ay ka qancin doonaan.

Ugu dambayn wuxuu sheegay in gobolka ay joogaan Daacish iyo Al Shabaab, wuxuuna shacabka ugu baaqay inaysan fursad siin mallayshiyadaas ee ay adkeestaan amnigooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM