Dhismaha goleyaasha deegaanka Bosaso iyo Garowe oo dib u dhacay

Image

July 20, 2015 (GO)- Waxaa soo idlaatay muddo 45 cisho ahayd oo loo qabtey in lagu soo dhiso goleyaasha deegaanka Bosaso iyo Garowe, kadib markii May 27, 2015  Madaxweyne Gaas kala diray golaha deegaanka Bosaso, asbuuc kadibna -oo ku beegnayd- June 3, 2015  kala diray golaha deeegaanka ee Garowe.

Isla digreetooyinkii Madaxweynuhu labadaas gole ku kala diray, wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku amray in ay muddo bil iyo bar gudaheed ah kusoo dhisto maamullo cusub, haseyeeshee ilaa iyo hadda dowladdu wax tallaabo ah uma qaadin sidii arrintaas loo sii ambaqaadi lahaa.

Garowe iyo Bosaso oo hal-bowle u ah dhaqaalaha, ganacsiga, shaqooyinka hay'adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn islamarkaana ah labada magaalo ee cashuurta ugu badani kasoo xerooto, xilligan maamul rasmi ahi kama jiro kadib markii maamulladii kumeel gaarka ahaa ee Madaxweynuhu dhowaan soo magacaabay waqtigu ka dhamamaday.

Mashaariicdii Garowe iyo Bosaso oo halis ku jira!

Dib u dhaca dhismaha goleyaasha deegaanka ayaa caqabad ku noqday mashaariic horumarineed oo labadaas degmo heli lahaayeen, gaar ahaan magaalada Garowe, sababtoo ah waxaa halis ku jira inuu baaqdo mashruuc dhaqaalihiisa Bankiga Adduunku ku deeqay kaasoo ay ku baxayso lacag dhan soddon milyan oo doollar.

Mashruucaas oo ah mid horumarineed ayaa waqtiga dukumiintiyadiisa la gudbinayo wuxuu ku egyahay bisha August ee soo socota, balse haddii Garowe inta waqtigaas ka horeysa yeelan weydo maamul rasmi ah waxay u muuqataa in dhaqaalhaas la waayi doono.

Beelaha Garowe ayaa soo xulay xubnihii u meteli lahaa golaha deegaanka, haseyeeshe gaabis badan ayaa ka jira dhanka dowladda.

Waxaa xusid mudan in isimmada iyo waxgaradka degmooyinka Bosaso iyo Garowe u tageen Madaxweyne Gaas maalmo kahor intuusan kala dirin labada gole, iyagoo ku wargeliyey inuu ka fiirsado go'ankaas. Odayaashu waxay ku andacoodeen in maamullada Bosaso iyo Garowe wax is-qab-qabsi ahi dhexdooda ka jirin, watiga xilkooda uga harsanina yar yahay sidaas darteed aysan munaasib xilligaas ku ahayn in lakala diro.

Odayaashu waxay sidoo kale Madaxweynaha kula taliyeen in hadiiba la kala diro maamullada jira si dhaqso ah lagu soo dhiso maamullada cusub ee beddelaya, balse Cabdiweli Gaas ayaa dhammaan talooyinkaas dhegaha ka furaystay.

Xuquuqda Saiwrka: MAXAMED CAYNSANE

Golaha Deegaanka Bosaso

Bosaso wax badan ayey kaga duwan tahay dhammaan magaalooyinka kale ee Puntland, waxaana ku nool  dad badan oo deegaano kala duwan ka yimid, islamarkaana ma jirto beel gaar ah oo qalabiyadda dadka Bosaso ku nooli ku abtirsadaan.

Arrintasi waxay keentay in dhismaha golaha deegaanka Bosaso ka dhib bato degmooyinka kale, waxayna caan ku tahay is-qab-qabsi beelaha dhexdood ah oo yimaada marka lasoo gaaro xilliga doorashada.

Iyadoo ay sidaas tahay, waxay u muuqataa in dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wax qorshe ah oo cad ka lahayn dhismaha golaha deegaanka ee Bosaso.

Warar aan sugnayn oo Garowe Online heshay ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Gaas u ololeynayo sidii duqa cusub ee Bosaso loogu soo magacaabi lahaa nin deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Karkaar.

Haddii sidaasi dhacdo, waxay taasi kicineysaa beelaha Reer Bariga oo muddooyinkii u dambeeyey u muuqdey kuwo kalsoonida kala sii laabana xukuumadda Cabdiweli Gaas hormuudka u yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM