​Dhoolawaa "La igalama tashan xafiiska Garowe"

Image

GAROWE- Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Shidaalka Puntland, ayaa ka hadlay xafiis madaxweyne ku-xigeenka Puntland shalay 05 Maarso ka furay magalada Garowe, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay xafiiskii ugu horeeyay ee hay'addu caasumadda ku yeelato.

Ciise Dhoolawaa, oo la hadlay Radio Garowe ayaa ugu horayn cadeeyay cidda hay'addaasi madax ka ah, maadama goobta xarig jar ku xigeenka Puntland ku magac dhabay ku-xigeenkiisa.

Agaasimaha ayaa xusay inuu isagu weli hay'adda madax ka yahay islamarkaasna aysan soo gaarin waraaq ama tuhun sheegaya in xilka laga qaaday isagoo tilmaamay in arrintaasi kala cadayn doono Madaxweyne ku- xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Agaasimaha oo ku sugan waddanka Australia, ayaa cadeeyay in furitaanka xafiiska Garowe aan lagala  tashan, isagoo tilmaamay ineysan fiicneyn in  madaxweyne ku-xigeenka Puntland xaqiro xafiiskan oo horay uga furnaa caasumadda Puntland.

Tallaabadan, ayuu xusay Ciise Dhoolawaa in ku dhaqaaqeen xubno ka tirsan dowladda, wuxuuna wasiirro goobta joogay ku dhaliilay inay ka aamuseen xaqiritaanka lagu sameeyay xafiiska hay'adda.

Agaasimaha ayaa sheegay inuu tallaabadan kala hadlay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, isagoo xusay inuusan la socon waxa ka dhacay magalada Garowe.

Dhoolawa mar wax laga weydiiyay in arrintaan la xiriirto tuhun ka dhex jira isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wuxuuna cadeeyay inuusan isagu arrimahaasi ka warqabin.

Hadalkan, ayaa yimi xilli magalada Garwe shalay lagu daah furay xafiis lagu sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay ee hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ku yeelato magalada Garowe caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM