Diiwaangelinta ururada siyaasadda ee Puntland oo lasoo afmeeray

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga ku meelgaarka doorashooyinka dowlada Puntland ayaa Axada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in ay soo gabagabeeyeen diiwaan-gelinta ururada siyaasada.

Cabdinuur Sheikh Maxamed, afhayeenka guddigaas, ayaa saxaafada maxaliga ah u xaqiijiyey in ay dhamaatay waqtiga liis-gareynta.

Isagoo hadalkiisa sii wata, fahfaahinta ururada ay diiwaan-geliyeen ayuu daboolka ka qaadey in ay soo bandhigayaan dhowaan.

"Si wanaagsan ayay noogu soo dhamaatay diiwaan-gelinta [ururada siyaasadda] oo si habsami leh ku bilaabatay," ayaa laga soo xigtay.

Bishii December 15-keeda sanadkii lasoo dhaafay ee 2019 ayay ahayd markii guddigu bilaabay diiwaan-gelinta.

Hanaanka hirgelinta xisbiyadda badan ayaa qeyb ka ah dedaaladda ay Puntland dooneyso in ay kaga gudubto habka qabiilka ee 4.5, kaasoo ay kusoo dhaqmeysay 21-kii sano ee lasoo dhaafay.

Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ku dhawaatay habkaas, balse waxaa carqaladeeyay siyaasiyiin danno gaar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM