​Doonyo lagu soo qabtay degmada Eyl Nugal

Image

Saddex doonyood oo laga leeyahay dalalka Iran iyo Yemen, ayaa lagu soo qaybtay deegaan hoos yimaada degmada Eyl gobolka Nugal sida uu xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka ciidanka Badda Puntland.

Kornel Maxamud Ciise Saciid oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in lasoo qabtay doonyahan xilli jariif ka wadeen tuulo lagu magacaabo Xaabo iyo Kabaal oo hoos timaada degmada Eyl, isagoo tilmaamay inay ku socdaan baaritaano la xiriira falka lagu soo qabtay.

Wuxuu sheegay in labo kamid ah doonyaha laga leeyahay Yemen, halka tan kale dalka Iran kasocoto, isagoo xusay in hadda lagu hayo Eyl.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay saarnaayeen 109 ruux oo ku jiraan Somalia, kuwaasi oo tilmaamay inay kala kulmeen iska caabin waqtigii howl galka lagu gudajiray.

Kornelka, ayaan wax laga weydiiyay dhaliil ciidamada badda u soo jeediyeen waxgaradka tuulo lagu magacaabo Marraya oo hoos timaad degmada Eyl, taasoo salka ku haysa wax ka qabasho la'aanta doonyo rasaaseeyay dadka deegaanka islamarkaana Barriga usoo dhaadhacay, wuxuuna sheegay inay mandate iyo amar madaxweyne u haystaan howlgal kasta oo la xiriira biyaha Puntland, isagoo xusay inay ka go'antahay qaabkii loo soo afjari lahaa falalka la xiriira Jariifka.

Ciidamada badda ayuu sheegay inay leeyihiin awood agab ku filan, kaasii oo ay kaga hortagi karaan dhibaatada lagu hayo biyaha Somalia.

Dhinaca kale 02 bishan ayaa magalada Bosaso lagu soo bandhigay shan doonyood oo jariif ah, waxaana falalkani u muuqdaan kuwa kusoo badanaya xeebaha Puntland, kuwaasi oo sahli kara soo laabashada falalka burcadnimada ee la suuliyay 2012, sida ay noo xaqiijiyeen Kalluumaysatada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM