Guddoonka Rugta Ganacsiga PL oo la doortey

Image
Image
Image
Image

December 25, 2014 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa maanta lagu doortey guddoonka cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ee Puntland.

Doorashada oo ka dhacday hoolka shirarka Jaamacada Bariga Afrika waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan dowlada oo madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirka ganacsigu kamid yihiin iyo weliba xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Sagaal murashax oo u kala tartamayey xilalka guddoomiyaha, gudoomiye ku-xigeenka koowaad iyo gudoomiye ku-xigeenka labaad ayaa doorashada ka qayb galay, waxayna kala ahaayeen sidan:

Xilka Guddoomiyaha:

  1. Saalax Cabdulaahi Maxamed Xabiib.
  2. Sharmaarke Yaasiin Cabdiraxmaan.
  3. Maxamed Maxamuud Cismaan Laambo .
  4. Cabdiraxmaan Jaamac Warsame.

Xilka Gudoomiye ku-xigeenka koowaad:

  1. Maxamed Caydiid Jaamac.
  2. Mukhtaar Siciid Yaasiin.
  3. Maxamuud Faarax Bayr.

Xilka Gudoomiye ku-xigeenka labaad:

  1. Liibaan Yuusuf Maxamed (Liibaan Dheere).
  2. Maxamed Shire Waaberi.

     

Natiijada doorashada:

Cabdiraxmaan Jaamac Warsame ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha kadib markii uu ka guuleystey Maxamed Maxamuud Cismaan Laambo oo ay wareegga labaad isugu soo hareen.

Loolan adag kadib waxaa 67 cod kusoo baxay Cabdiraxmaan Jaamac oo isagu ah maamulaha shirkadda OPEC halka Maxamed Laanbo helay 40 cod.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa kusoo baxay Maxamed Caydiid Jaamac oo isagu horay xilkaas usoo hayey kadib markii uu ka guuleystey Maxamed Faarax Bayr oo wareega labaad ay isla gaareen. Caydiid ayaa helay 59 halka Bayr ka helay 46 cod.

Sidoo kale xilka guddoomiye ku xigeenka labaad oo labo murashax ku tartameen waxaa ku guuleystey Maxamed Shire Waaberi oo helay 55 cod isagoo ka guuleystey Liibaan Dheere oo helay 49 cod.

Doorashada oo in muddo ah qaban qaabadeeda ku hawlanaayeen guddi dowaladda, ganacsato iyo culimaa'uddiin isugu jira waxay u dhacaysaa qaabka qarsoodiga ah ee waraaqaha, waxaana codeynaya 109 wakiil oo ka socda shirkadaha xubnaha ka ah Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM