Doorka haweenka ee doorashada Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda DFS ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Dowladda Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka ee DFS Mudane Deeq Suleymaan iyo AF-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM