Dowlada Somalia oo lagu khasbey dib-eegista heshiisyada shisheeye

Image

KHAMIIS, September 18,2014- Dowlada ee Somalia ayaa dib-uga noqoneysa ama wadahadal cusub ka galeysaa heshiisyo hore oo isugu jira kuwa shidaal, dekad iyo garoomada dyaardaha sida kan Muqdisho,  iyadoo isku dayeysa iney dib u soo celiso kalsoonida wadamada deeqda lacageed siiya kuwaasoo ka aamin baxey musuq-maasuq baahsan kadib.

Heshiisyadaan oo lagu qaadanyey boqolaal milyan dollar ayaa waxaa ugu waaweyn kuwa dowlada Xasan Shiikh la gashey Shulman Rogers kaasoo dib loogu soo celinayey hantida Somalia dibada ka taal iyo shirkad shidaalka baarta ee Soma Oil. Shirkadaan ayaa waxa iska leh nin horey madax uga ahaan jirey xisbiga Ra'isal wasaare David Cameron oo magaciisa la yiraahdo Michael Howard.

"dowlada Somalia ayaa laga rabaa iney gabi ahaanba baa'bi'iso ama dib u qorto dhamaan saxiixyada lala galey shirkado caalami ah kadib markii ay sidaas ku taliyeen guddiga cusub oo ka tirsan wadamada deeqda bixiya "donor-backed committee", heshiisyadaan ayaa waxa laga wada heley iney ku lug lahaayeen musuqmaasuq iyo is-dabamarin baahsan" sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan kooxdaan.

Heshiisyadaan ayaa intooda badan la sixiixey kadib markii dowladda hadda ka arrimisa Muqdishu heshay aqoonsi caalami ah taasoo sababtey in maalgaliye-yaal badan daneeyaan dalka.

Dowlada Muqdishu ayaa ilaa iyo hadda ka noqotey inta la og-yahay hal heshiis halka wadahadal ama iney wax ka badalaan ka bilaabeen kuwa kale kadib markii guddiga caalamiga ah sagaal kamid ah dib u eegeen.

Heshiiska dowlada Federaalka dib uga noqotey waa midka Shulman Rogers kaasoo ahaa in dib loo soo celiyo hantida Somalia oo bangiyada dibada taala. Shulman ayaa ku dalacdey Somalia $2.7m taasoo isugu jirta kharashyaad iyo lacago kale aan la aqoon halka jaan iyo cirib dhigeen kadib markii lacag gaareysa $9.6m hanti ah kasoo wareejisay bangiyada dibada ku yaal muddo sanad kahor ah, lacagahaan ayaa fadhiyey xisaabo banaanka ah tan iyo 1991 markii dagaalka sokeeye ka qarxey Muqdishu.

" waxaan lugaha kala baxney dhiiqo, dhul kaymo ah taala, taasoo nidaam xumo ay sababtey, waxaana ku niri wadamada deeqda bixiya waan khaldaneyn, balse way dhamaatey waqtigaan," sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Bangiga dhexe Bashiir Ciise oo ah xubin kamid ah guddiga deeq bixiye-yaasha dib u saxaya heshiisyada raadka ku yeeshey musuq-maasuqa. " hadda waxaan dareemeynaa culeys badan oo naga dhacey." ayuu ku darey hadalka Bashiir Ciise.

Gudigaan ayaa dhinaca kale dib u eegaya heshiisyada caalamiga ah oo dowlada Federalka  gashey, waxaana kamid ah shirkada Turkiga ah ee la yiraahdo Favoro tasoo dhiseysa garoonka diyaaradaha Muqdisho. Sidoo kale guddigaan ka kooban wadamada kaalmada dhaqaale siiya Somalia ayaa ka dalbadey Wasaarada Batroolka dowlada Federaalka iney wax ka badasho heshiiskii ay la gashey Som Oil August 2013.

Labo sarkaal oo u hadley shirkadaha Favori iyo Som Oil ayaa sheegey ineysan wax xiriir ah aan lala soo yeelan islamarkaasna aysan aqoon u laheyn jiritaanka guddigaan.

Hadlaka labadaan sarkaal ayaa ka hor-imaanaya qoraal Wasiirka Maaliyada Sept 8 ku sheegey in " dowlada iyo shirkada Favori ku heshiiyeen in dib uga wada-hadlaan qodobada uu qorayo heshiiska ay wada galeen."

Bashiir Ciise Cali ayaa badaley Gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe Yusur Abaraar kadib markii wadanka isaga carartey. Yusur Abraar ayaa lagu khasbay iney saxiixdo heshiisyo salka ku haya musuq-maasuq baahsan oo ay ku lug lahaayeen madaxda sare ee dowlada Federaalka.

GAROWE ONLINE + Financial Times 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM