​Dowladda iyo Ganacsatada Bosaso oo ka wada-hadlay Cabashada Lacagta

Image

BOSASO, Puntland- Ganacsatada magaalada Bosaso oo muddooyinkaan dambe ka cabanaysay lacagta shilling Somaliga ah ee lagu daabacay suuqyada Puntland, ayaa maanta wada-hadal la furay dowladda gaar ahaan, maamulka gobolka, Degmada, Bangiga dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Dadweynaha Bosaso oo shalay ilaa maanta cabashadooda ku muujinayay Mudaharaad ayaa markii dambe dowladdu u sheegtay in wax laga qabanayo doodaha taagan oo ay ugu horayso lacagta Shilling Somaliga ah ee dowladdu diiday.

Shir ay isugu yimaadeen dhinacyadaas waxaa la isku raacay dhowr qodob  oo ay kamid ahaayeen;

  • In dowladdu qaadato lacagta Shilling Somaliga ah
  • In 1-kii dollar lagu sarrifo qiimo gaaraya 28 kun Shilling Somali ah
  • In aan la qaadan Kunka duuga ah ama jeex jeexan
  • In dowladdu wax ka qabato lacagaha laga soo safrinayo gobollada kale

Sii hayaha xilka Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in dowladdu wax ka qaban doonto arrintaas isagoo sheegay inay fasaxeen lacagihii la diiday, wuxuuse ka digay in taas aysan la macno ahayn sidii loo qaadan lahaa lacag kasta oo ka timaada dalka qaybihiisa kale.

Wasiirku wuxuu shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan midnimada iyo kala dambaynta.

Wararka soo gaaraya GO waxay sheegayaan in wali uu jiro guux xoog leh oo ku saabsan go’aamada soo baxay, waxaana dadweynuhuu diidanyihiin in la kala saaro lacagta Sh. Somaliga ee waddanka.

Shacabka ayaa bannaanbax dhigay kadib markii ay shaqayn wayday lacagtii ay ku badasheen hantidooda islamarkaana laga soo diigay bartamaha iyo Koonfurta Somalia taasoo ay u sii raacday in dowladdu diiday in lagu bixiyo canshuurta.

Dadweynaha ayaa la dhibaatoonaya jahwareerka iyo sicir bararka ka dhashay lacago faalso ah oo lagu daabacay gudaha Puntland taasoo ay ka dambaysay xukuumadda.

Ganacsiga magaalada Bosaso ayaa hoos u dhac ku yimid arrintan owgeed waxaana is-badalay nolosha bulshada oo intoodabada nafaacsada qadarka yar ee Xamaal ahaan usoo gala maalintii.

Goor sii horaysa qaar kamid ah bulshada rayidka ah oo warbaahinta la hadlayay, waxay sheegeen inay ka gaajaysanyihiin Lacagtii dalka iyagoo haysta kadib markii ay diideen sariflayaashii iyo ganacsatada islamarkaana lagu xiray in la siiyo Dollar.

Majirto xal muuqda oo ay dowladdu samaysay tan iyo markii ay bilowdeen muranka la xariira Kunka Shilling oo wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladdii dhexe noqday mid aan lahayn cid xadida ama Bangi dhexe oo la socda isbadalka ku yimaada lacagta waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM