Duqa Cusub ee degmada Garowe oo xilka la wareegay [Warbixin]

Image

GAROWE, Puntland- Maayarkii hore ee degmada Garowe Axmed Dek Ayax ayaa maanta xilkii ku wareejiya duqa Cusub ee caasimadda Puntland Axmed Barre, kaasoo kusoo baxay tartankii doorasho ee dhacay todobaadkii hore.

Duqii hore ayaa khudbad uu ka jeediyay xafladda xil-wareejinta waxa uu kaga waramay caqabadaha ka taagan magaalada Garowe iyo sababta kaliftay inuu ka haro loollankii doorasho.

“Magaalada Garowe iyadoo martigalinaysa doorashada Madaxtooyada iyo Barlamanka Puntland ayay la il-darantahay amni xumo baahsan oo sababtay in maalin cad mobilada la iska furto iyo qurgooyooyin nafeed, waxayna inta badan ka yimaadaan kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan, aano qabiil iyo khilaafaad dhulka ah,” ayuu yiri Axmed Dek.

Wuxuu sheegay in taasi keentay awooda ciidanka oo hoosay, taageero la’aan dhanka dowladda ah iyo caqabad ka imaanaysa dhanka waalidiinta, waxgaradka iyo odoyaasha dhaqanka.

“Awooda ciidanka amniga oo liita ka sokow caqabada ugu weyn waxaa lagala kulmaa, waalidiinta, odoyaasha, waxgaradka magaalada oo aan hay’adaha amniga u ogolaan gudasha waajibaadkooda kuna cadaadiya soo daynta iyo difaaca dambiilayaasha.”Duqii hore ayaa yiri.

Dhaqaalaha degmada ayuu ka dayriyay, wuxuuna sheegay in dakhliga soo gala caasimadda uu ku koobanyahay khidmadaha yar-yar ee laga qaado haweenka ku ganacsada suuqyada magaalada kuwaasoo aan ku filnayn kharashaadka dowladda hoose, isagoo intaas ku daray in degmadu aysan helin lacagtii curaarta ahay ee ay ku lahayd dowladda dhexe.

Ayax ayaa dhanka kale xusay in degmada Garowe oo si xowli ah u koraysay xilligii Cabdiraxmaan Farole talada Puntland hayay uu ku yimid gaabis xoog leh oo sababay in dad badan oo maalgashi ku samayn lahaa ay ka baaqsadaan sababo ay kamid tahay; Sicirka dhulka oo qaali ah, boobka Boosaaska oo aysan dowladdu waxba ka qaban.

Isagoo sii hadlaya wuxuu ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ugu xumaa ee uu la kulmay mudadii uu xilka hayay, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Xabsiga Garowe laga jartay, Korontadii iyo Biyihii, taasoo markii Dambe uu xalkeeda yeeshay Islaam Ciise dowladda hoosana bixiyay Shidaal.

” Markii aan imid waxaa la igu wareejiyey lacag dayn ah oo dhan $70.945 iyo 234 malyan oo shilin soomaali ah,maantana waxaan wareejinayaa $100,000 boqol kunoo ay ku jirto tii hore, daymaha iyo dakhliga oo yari waxay caqabad kuyihiin howlihii horumarineed ee degmada laga filayey, waxayna saldhig u tahay nabadgelyo xumo iyo dibu dhac horumarka degaanka," ayuu yiri Axmed Ayax.

Mas’uulkan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu uga haray doorashada degmada Garowe isagoo yiri, “Ujeedkaygu ma ahayn magac doon iyo maaldoon mana ahayn inaan muuq ahaa iyo qooro tiris aan ku matalo degmada mana doonayn inaan ahaado magalooti aan waxba qaban oo muuqaalkiisa loo soo daawasho tago, sidaa darteed markii aan qiimeeyay caqabadaha amni iyo dhaqaala xumada jirta markii aan arkay awoodaha dowladda hoose oo magac mooyee aan macno fulineed lahayn, markii aan markhaati u soo joogay baaxadda caqabadaha arrimaha bulshada ee degmada saaran iyo markaan qiimeeyay xaaladda doorasho ee dalku galayo waxaa ii muuqatay inaysan jirin fursad ii suurto-galin karta himilooyinkii aan ku taamayay iyo aragtidii aan ka lahaa mustaqbalka degmadan, sidaa darteed waxaan doorbiday anigoo dareemaya khatarta iyo niyad-jabka ay leedahay inaan qaato go’aan geesimo leh oo aan uga tanaasulay tartankii kursigaas.”

Mayarkii hore ayaa xusay in 100 litir oo shidaal iyo saddex bilood mushaharkooda oo mid kamid ah siiyay Xabsiga Garowe uu ka helay degmada Garowe mudadii uu xafiiska joogay, taasina ay tahay sidii uu isaga ilaalinayay hantida dadweynaha.

-Mayarka Cusub oo ka hadlay wuxuu qaban doono-

Guddoomiyaha cusub ee degmada Garowe Axmed Barre, ayaa goobta ka sheegay inuu wax ka qaban doono caqabadaha ka taagan degmada gaar ahaa, amniga, nadaafadda iyo bilicda caasimadda, wuxuuna ballan qaaday inuu furi doono dhammaan waddooyinka xiran, sidoo kale dib u dayactir ku samayn doono, Layrarka magaalada iyo dhirta.

“Waxaa laga doonayaa bulshada inay ka shaqeeyaan amniga iyo bilicda caasimadda Garowe,” ayuu yiri Mayarka cusub.

In kabadan 100 kun oo dollar oo dayn ayaa lagu wareejiyay Mayarka cusub kaasoo ah dayn lagu wareejiyay Mayarkii hore, wuxuuna sheegay Mayarka cusub in lacagtaas oo caqabad haysata hadana uu ku dedaali dooni sidii lacagtaasna loo bixin lahaa, howlaha socdana loo wadi lahaa.

“Waxaan rabaa inaan sameeyo dedaal howlkarnimo oo waqtigayga ugu badan siiyo degmada habeen iyo maalinba oo aan soo saaro go’aamo waxtar u ah magaalada,” Ayuu yiri Axmed Barre.

Ganacsatada ayuu ka codsaday in lacagtaas laga bixiyo degmada.

Garowe oo ah caasimadda Puntland xil gooni ahna ka saaran dowladda dhexe ayaa muddooyinkii dambe la daalaa dhacaysay Amni darro ka dhalatay dayacaad dhanka amniga ah, Boobka dhulka iyo dhaqaalo xumo.

Duqa cusub ayaa wajihi doona howl adag oo ay ugu horayso sidii uu degmada Garowe ugu diyaarin lahaa marti galinta doorashada Puntland, yaranta khilaafaadka dhulka, xal u helista dhalinyarada iyo hubaysan iyo askaraha ka imaanaya furimaha dagaalka ee Qoryaha ku dhex-sida caasimadda Puntland, taasoo ah wax ay degmadu ka caganayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM