Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Bari [Khasaaraha]

Image

BOOSAASO, Puntland – Diyaarad aan heebteeda la garan ayaa lagu waramayaa in maanta oo Axad ah ay duqeyn xoogan ka fulisay qaybo kamida gobolka gacanka Khaliijka ku teedsan ee Bari.

Weerarka cirka oo ka dhacay tuuladda Xiriiro oo 3 KM u jirta degmada Isku Shuban, waqoyga Soomaaliya - ayaa lala beegsaday gaari nooca raaxadda ah.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka, gaariga waxaa saarnaa laba ruux – darawalka iyo qof kale – kuwaasi oo isla goobta ku geeriyooday.

"Duhurkii ka dhacay ayay howshu dhacday … labada qof oo aan wali la garan waa ay gubteen diyaarad baa gantaal la dhacday," ayuu yiri qof magaciisa u qariyay sababo amni.

Mas'uuiyiinta gobolka iyo kan degmada oo xaqiijiyay howlgalka ayaa ka gaabsaday in ay bixiyaan tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan cida qaaday iyo dadka la beegsaday.

Sidoo kale ma cadda dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta geystay, inkasta oo looga bartay kuwa uu leeyahay wadanka Mareykanka.

Howlgalka Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] oo uu Garowe Online isku dayay in uu wax ka waydiimo ma aysan ka jawaabin dalabka warsidaha.

Mareykanka ayaa beegsada saldhigyadda maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish si lamid ah gaadiidka ay ku socdaalayaan xubnaha ama horjoogayaasha ururadaasi.

Degaanada dowladda Puntland ayaa waxaa ka howlgala labadaasi kooxood, gaar ahaan gobolka Bari oo ay ku xidideysteen intii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaasi.

Xukuumada cusub ee hogaamiyo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaaday in ay cagta marin doonto xoogagaasi argagixsada ah, isla markaana amniga Puntland ay siin doonto ahmiyadda koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM