Duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay Puntland oo lagu dilay 27 qof

Image

BOOSAASO, Puntland - Mareykanka ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah uu ka fuliyay Maalintii Sabtida, 2-dii bishan June gobolka Bari, ee Puntland uu ku dilay ugu yaraan 27 xubnood oo kamid ahaa Kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay meel 26 Mile dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaala xeebeedka Boosaaso, oo ah xarunta Ganacsiga Puntland.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta aysan ka dhalan wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey. War-Saxaafadeedka kasoo baxay Mareykanka laguma sheegin magaca goobta uu weerarka ka fuliyay.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Annagoo kaashaneyna dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen duqeyn ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay meel 26 Mile Koonfur Galbeed uga beegan Boosaaso June 2."

Howlgalka Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay sheegtay in 41 xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen Ciidamadeeda weerarkii Sabtidii Balli-Khadar oo ku yaalla nawaaxiga Buuraha Galgala oo Hoy u ah Kooxaha argagaxisada.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymihiisa Soomaaliya, ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee ku sugan Puntland wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Trump uu bixiyay ogolaanshaha ballaarinta howlgalka AFRICOM, Maarso, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM