​Faah faahin howlgallada kasocda Garowe [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa wali kasocda magaalada Garowe howlgal lagu xaqiijinayo amniga caasumadda kadib markii ay muddooyinkii dambe u muuqatay mid faraha kasii baxday, waxaana shalay la billaabay howlgal socon doono 30 casho kaasoo ay ka qayb qaadanaya ciidamada Kumaandoosta ah ee Guuta labaad iyo kuwa PSF-ta.

Tan iyo Shalay, waxaa ciidamo gacanta ku dhigeen hub kala duwan iyo askar qaab sharci darro ah ugu dhex-sitay magaalada, waxaana qorshahan oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland uu taabanayaa ammaanka magaalada, maandooriyaha iyo xirmaysiga dhulka.

Taliyaha ciidamada Danab ee howlgalka Fulinaya Cornel Jimcaale Jaamac Takar oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amniga magaalada gacanta lagu dhigi doono islamarkaana laga sifayn doono cid kasta oo khal-khal galinaysa.

Waxaa sidoo kale waxa laga weydiiyay xabado si xad dhaaf ah uga dhacayay magaalada kuwaasoo qaybtood gaysteen dhaawacyo kala duwan isagoo tilmaamay in amniga la sixi karo marka dadweynuhu dareemaan cabsi.

Jimcaale ayaa sheegay inuu jiro dhaawac labo qof oo mid kamid ah Askari yahay isagoo intaasi raaciyay in khaladaad jiri karaan balse ay ka faa'iidaysan doonaan islamarkaana sixi doonaan.

Taliyaha ayaa faray ciidamada inay ku sugnaadaan xeryahooda inta uu socdo howlgalkan.

Duqa degmada Garowe ayaa dhankiisa caddeeyay in ammaanka magaalada uu isbadal ku yimid, wuxuuna shacabka caasumadda ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen laamaha amniga ee ku howllan xaqiijinta nabad galyada.

"Habac weyn baa galay amniga magaalada, waddooyinkii baa la xirtay, bacahii ayaa noqday kuwo si xad dhaaf ah loogu xirtay baabuurta, runtii waa loo baahnaa in ciidamadan laga howlgaliyo caasumadda,"Ayuu yiri Xasan Goodir.

Guddoomiyaha gobolka Nugal Cumar Faraweyne ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Garowe u simantahay umadda reer Puntland islamarkaana u furantahay dadka Somaaliyeed isagoo xusay inay maalgashan karaan sidaasi darteed loo baahanyahay inay amnigeedu noqdo mid la isku hallayn karo.

Cumar ayaa tilmaamay in ciidamadan yihiin kuwii howlgalka la galay Al Shabaab isagoo intaasi raaciyay inay diyaar u yihii sidii ay u tagi lahaayeen goob walba oo looga baahdo.

Arrintan ayaa timi xilli muddo saddex sano ah wax howlgal ah laga samayn caasumadda Puntland taasoo keentay in shacab iyo ciidamo katirsan dowladda si joogto ah hub ugu dhex wataan magaalada, waxaana dhawr jeer oo hore shaqaaqo ka dhalatay arrintaasi lagu dilay saraakiil katirsan ciidamada Booliiska.

Qorshahn ayaa dadka odorosa ammaanka waxay ku tilmaameen mid aan keenayn wax isbadal iyagoo sabab uga dhigay in dowladda looga baahanyahay ajande mar kasta lagu adkaynayo ammaanka magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM