​Faah faahin Kalfadhiga u furmay Barlamanka Puntland

Image

GAROWE- Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa maanta u furmay Barlamanka Puntland, waxaana looga doodayaa mudada uu socdo ajandayaal kala duwan gaar ahaa, arrimaha abaaraha, tahriibta iyo ansixinta guddiga doorashooyinka Puntland ee la magacaabay bishii February 2016.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa kalfadhigaasi furay, waxaana soo xaadiray 51 mudane.

Afhayeenka golaha sharci dajinta Puntland Axmed Cali Xaashi oo ugu horayn hadal ka jeediyay kulanka ayaa ka waramay howlaha Barlamanka, wuxuuna sheegay in dalka abaar baahsan ka jirto, isagoo xukuumadda iyo shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan wax ka qabashada abaaraha jira.

Khudbadda madaxweyne kuxigeenaka 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo furay fadhigan aan cadiga ahayn ayaa soo hadal qaaday arrimaha abaaraha, ammaanka iyo guddiga doorashooyinka, wuxuuna Xildhibaanada ugu baaqay inay ansixiyaan guddigaasi oo uu sheegay inay horyaallaan shaqooyin badan.

Ammaanka

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa sheegay in dhawaan kooxo katirsan Al Shabaab duullaan kusoo qaadeen gobollada dalka qaybtood, wuxuuna tilmaamay in ciidamada geesiyaasha ah si hufan isaga difaaceen islamarkaana lagu guulaystay in laga difeeyo Puntland.

Ammaanka guud ayuu sheegay inuu wanaagsanyahay islamarkaana socdaan dadaalo looga hortagayo falalka kooxaha nabad diidka ah.

Abaaraha

Cabdixakiim Cabdullaahi Xaji Cumar Camay, oo khudbadiisa kusoo hadal qaaday abaaraha ka jira Puntland, ayaa sheegay in xaaladda dadka iyo duunyadu adagtahay islamarkaana xukuumaddu horay u iclaamisay in wax laga qabto, isagoo sheegay inuu socdo gurmad loo fidinayo dadka taabaalaysan.

Shacabka iyo hay'adaha dowladda ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaalada lagu samata-bixinayo dadka la daalaa dhacaya jiilaalka iyo roob la'aanta, isagoo sheegay in la iclaamiyay roob doon.

Guddiga doorashooyinka

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wuxuu Barlamanka ka codsaday in dhaqso loo ansixiyo guddiga doorashooyinka oo uu sheegay inay horyaallaan shaqooyin adag, kuwaasi oo ay kamidyihiin howlaha lagu gaarayo nidaamka dimuqraadiyadda.

Shir Dastuurka looga hadlayo

Khudbadda uu u jeedinayay Barlamanka Puntland, wuxuu madaxweyne ku-xigeenku kusoo hadal qaaday shir looga hadlayo arrimaha dastuurka Somalia, kaasi oo ka dhaci lahaa Puntland islamarkaana socon lahaa 10 bari, wuxuuna sheegay in kulankaasi la damacsanyahay qorshayaal dib loogu dhigayo, isagoo dowladda federalka Somalia ugu baaqay fulinta hishiisyadii la galay.

Su'aalo Barlamanka Puntland weydiiyeen Madaxweyne ku-xigeenka Puntland

Xildhibaano katirsan Barlamanka Puntland ayaa weydiiyay madaxweynaha su'aalo ku saabsan xaaladda dadka gaar ahaan, Askartii dhimatay ehelkooda waxa dowladdu u qorshaysay, Tahriibka, dhismaha maxkamad dastuuri ah, qaadashada nidaamka 4.5, abaaraha, halka mudanayaal kale talo soo jeedin u sameeyeen.

Jawaabaha uu bixiyay madaxweyne ku-xigeenku

1-Abaarta

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay inay xukuumaddu yeelatay xilligii la dareemay abaarta kulan dag dag ah islamarkaana shiriyeen xukuumadda iyo hay'adaha caalamiga ah, isagoo tilmaamay inay geeyeen raashin iyo biyo goobihii ugu darnaa, wuxuuna intaasi raaciyay inay sameeyeen ceel biyoodyo badan kuwaasi oo xusay inay kharashaad badan ku baxeen.

2-Tahriibta

Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa sheegay in xukuumaddu samaysay qorshayaal lagu joojinayo tahriibka islamarkaana xanibeen goobo badan oo laga tahriibi jiray,isagoo taas badalkeed tilmaamay inay sameeyeen

3-Qaadashada 4.5

Wuxuu qaadashada 4.5 uga jawaabay; Inay dadaal dheer ku bixiyeen qaabkii loo cadaadin lahaa inaan dib dambe loogu soo celin dalka Somaliya, balse dadaal badan kadib gaareen qorshe uusan Somalia kusoo noqon karin.

Camay, ayaa tilmaamay inay door bideen qaadashada cabkan oo jiray 4 sano, halkii Somalia ku kala tagi lahayd.

FG: Mudane katirsan Barlamanka ayaa xukuumadda ku dhaliilay nidaam ay soo diideen oo ay sheegeen inaan lagu noqon karin, doodo baddana laga sameeyay inay ku qaateen waqti kooban, wuxuuna madaxweyne ku-xigeenka Puntland weydiiyay danta ay ka lahayd arrintaasi iyo qaabka dowladda lagu aamini karo.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa kujawaabay inaysan dowladdu khiyaano ka lahayn qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, balse ay u sameeyeen habraaca iyo maqraatiyaal damaanad qaaday inaan dib loogu noqon 4.5.

4-Qorshaha ciidamada

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa tilmaamay inay qorshe wanaagsan ka qaadatay dowladdu qaabkii loogu gurman lahaa askartii ku waxyeellowday difaaca dalka, isagoo tilmaamay inay sameeyeen guddi ka shaqeeya taakulaynta iyo wax u qabashada kuwa dhaawacmay, wuxuuna tilmaamay inay siiyeen lacago cadaan ah, halka kuwo kale maalinle ugu qoreen.

Camay oo tacsi u diray ehelka askartii ku dhimatay dagaalka, ayaa xusay inay ka warhayaan qoysaskii ay ka baxeen, halka dhaawaca uu sheegay inay u dhigeen dalka dibadiisa gaar ahaan Ethiopia, halka qaybta wax looga qaban waayay uu tilmaamay inay u wadaan dalka India.

5-Maxkamadda Dastuuriga ah

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in xukuumaddu samayso go'aamo islamarkaana dhisi doonaan maxkadda dastuuriga ah, waloow uusan sheegin waqtiga la samayn doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM