Faahfaahin ku saabsan Khasaaraha Qaraxii Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saacadihii hore ee maanta ka dhacay wado ku dhaw hotel Jubba ee magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ahaa miino wadada lagu aasay ayaa lala eegtay Gaari uu leeyahay Gudoomiyaha gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), waxaana ku dhaawacmay saddex Askari oo kamid ah ilaaladda Gudoomiyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay.

Qaraxa kadib, ciidamada amniga ayaa goobta gaarey, kadibna sameeyay howlgal kooban, balse lama oga cida loo soo qabtey weerarka oo qeyb ka ah falal lidi ku ah xasiloonida oo ka dhacaya Boosaaso.

Weerarka la doonayay in lagu khaarijiyo Dhedo ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay ciidamada qabteen xubno katirsan Kooxaha argagaxisada ee ka dagaalama gobolka, iyadoo uu socdo howlgallo lagu xasilinayo Boosaaso iyo nawaaxigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?

Sidee u dhacay howlgalkii ciidanka Mareykanka ee Baalade – Gobolka Bari?…

  • Puntland

    30-11-2025

  • 04:15AM