Faahfaahin: weerarkii caawa lagu soo qaadey guriga Jen. Muxiyadiin

Image

February 7, 2015 (GO)- Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar qorsheysan oo caawa lagu soo qaaday guriga uu magaalada Bosaso ka degen yahay taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

Sarkaal ka tirsan ilaalada taliyaha ayaa Garowe Online u sheegay in ugu yaraan shan nin oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta iyo qoryahaha fudud ee darandooriga u dhacaa weerar gaadmo ah kusoo qaadeen bar-kantarool oo ilaalada Gen. Muxiyadiin u taaley afaafka hore ee Hotel Panorama.

Nimanka weerarka soo qaadey oo iska soo dhigey rayid islamarkaana la socdey gaari bas ah, si kadis ah ayey gaariga uga soo dageen iyagoo intaas kadib tacshiirad huwiyey ciidankii barta kantaroolka ku sugnaa.

Sarkaalka Garowe Online la hadlay oo codsaday inaan magaciisa la shaacin wuxuu intaas ku daray in weerarka uu ku dhintey hal askari oo ka tirsanaa ilaalada Gen. Muxiyadiin shan kalena lagu dhaawacay.

Dhanka kale, waxay ciidamadu dileen nin kamid ahaa dableydii weerarka soo qaadey, kaasoo markii hore isaga oo dhaawac ah u baxsaday dhanka xaafadda Raf iyo Raaxo kadibna ciidamadu ka daba tageen iskuna dayeen inay nolosha ku qabtaan.

Ninkaas oo ku hubeysnaa bumbooyinka gacanta wuxuu sameeyey iska caabin xooggan arintaasoo sababtay in markii dambe ciidamadu toogtaan.

Dad la qabtey:

Saraakiisha booliska degmada Bosaso ayaa sheegay in isbitaalka degmada Bosaso la keenay saddex nin oo kusoo dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay jidka sodonka ee mara dhanka bari ee magaalada.

Nin kamid ah saddexdaas nin oo boolisku waraysteen ayaa sheegay in tiradoodu afar ahayd islamarkaana ay gurmad ahaan ugu socdeen kooxda weerartay guriga Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse balse gaari Toyota Noah ah oo ay la socdeeni  la rogmadey kahor inteysan goobta weerarku ka dhacay gaarin.

Shilka waxaa ku geeriyoodey hal nin balse saddexda kale oo labo kamid ah xaaladoodu halis tahay waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Bosaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM