Faarax Cali Shire oo diiday in Puntland reer kaliya u xirantahay [Daawo]

Image

OSLO, Norwey- Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire ayaa isagoo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norwey, wuxuu ka hadlay waxyaabo ku saabsan doorashada Puntland la filayo inay ka dhacdo 2019.

Faarax Cali Shire ayaa ugu horayn sheegay inuu diyaar garow ugu jiro sidii uu uga mid noqon lahaa siyaasiyiinta isu taagaya qabashada jagadaas, inkastoo uusan si cad u shaacin inuu yahay murashax.

"Runtii waxaa la yiri wax aan la gaarin iyo waxaan lahayn haybintooda way dhib-badantahay, anniga han baa igu jira laakiin xilligii la shaacin lahaa ama musharax baan ahay dhihi lahaa ma ay gaarin diyaarintayda waayo markaad u baahantahay inaad qabato howshaas waxaad u baahantahay inaad diyaarin badan samayso, waan qabaa hankaa, waqtigeeda ayaan sugayaa dhowr iyo toban bilood ayaa ka harsan mudada dowladdan jirto, waxba ka hor dhici maayo," Ayuu Shire oo hadalkiisa kusii daray, "Dadka qaba ee aan anigana iga maqal waxaan leeyahay saadiin Samo leh."

Mar wax laga weydiiyay inuu haysto kharash ku filan si uu u noqdo Madaxweynaha Puntland, wuxuu yiri Faarax Cali Shire, "Lacag shardi ma ah oo hadii wax lagu doorto dad badan baa kusoo bixi lahaa ee waxaa shardi ah inay bulshadu ku qaadato."

Fikir ku baahsan qaar kamid ah bulshada Puntland oo ah in xukunkan ay isaga kala dambeeyaan shakhsiyaad kasoo jeeda hal qoys ayaa wax laga weydiiyay Faarax Cali Shire isagoo kaga jawaabay, "Waxaa igu dhaliyay hankayga kow, waxaanan qabin sida dadku qabo, waxaan qabaa in la doontay, la dadaalay habab loo maray, dad lagala xaajooday, la helay markaa. Dadka fikirkaas qaba ayaan ka duwanahay oo aan ahay qof reer Puntland oo dhan wax ka doonaya."

Shire oo sii hadlaya, wuxuu tusaale usoo qaatay in dadka xukunkan lagu tuhmo iyo bulshada kale ay aad u kala badanyihiin, Barlamanka sidoo kale looga badanyahay, balse wadiiqada ay ku helaan talinta ay tahay xeelad iyo bisayl siyaasadeed.

Marka laga hadlayo xaaladda hada Puntland ku sugantahay iyo dhibaatooyinka amni darro ee ka jira Soomaaliya, wuxuu tilmaamay inaysan jirin cabsi uu ka qabo hankiisa siyaasadeed iyo sida uu arrimahaasa uga dabaalan karo.

Falkii uu taliyihii Booliiska Puntland ku dhaawacay ku-xigeenkiisii ayaa wax laga su'aalay isagoo tilmaamay in arrintaas tahay mid khaldan oo qofkii dambigiisa lagu helo ay tahay in sharciga wuxuu ka qabo lagu xukumo.

 

Hadalka Faarax Cali Shire ayaa kusoo beegmay xilli dadka kasoo jeeda Puntland qaybtood ay sheegaan in hogaaminta iyo talinta Puntland isaga kal dambeeyaan siyaasiyiinta kasoo jeeda dad gooni ah oo aysan tartan uga furnayn wixii iyaga ka baxsan.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM