Faarax Cali Shire: Puntland weli Siyaasadda kama qaan-gaarin [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MINNESOTA, USA – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Faarax Cali Shire.

Faarax Cali Shire oo hadda ah musharax u taagan doorashada ka dhici doonto Puntland bisha January 8, 2019 oo ka hadlay xafladda soo dhaweynta, ayaa ka hadlay xaaladda Puntland iyo waqtiga kala-guurka.

Faarax Cali Shire ayaa ka sheekeeyay marka hore Taariikhda soo jireenka ah ee Puntland, marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray aas-aadkeeda, horumaradii ay gaartay iyo halka ay maanta marayso.

Musharaxa ayaa tilmaamay in Puntland ay ka qeyb-qaadatay sooa celintii iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay, iyadoo deegaanadeedii lagu qabtay shirarkii lagu ansixiyay dastuurka KMG ah ee haatan jira.

Waxuu sheegay Faarax in Puntland ay gaartey inta badan himilooyinkii loo aas-aasay 20-kii sano ee ay jirtay, oo uu kamid yahay in maamulka la isagu bedelo hab-doorasho, balse ay dhiman yihiin wax badan oo ugu horeeyo inay ka baxdo nidaamka qabaliga ah ee dhanka doorashooyinka.

“Labaatan sano kadib oo Puntland ay jirtay, waxaana oran karaa wax badan baa ka dhiman wali habkii dowladnimo siyaasiyan ma buuxdo, oo wali waxaan joognaa habkii qabaliga ahaa ee markii ugu horeysay lagu dhisay, oo wali ma aaney gaarin nimaadka xisbiyada badan [multi-party system], oo shacabka ay hogaamiyaasha tayada leh ku dooran karaan” ayuu yiri Faarax Cali Shire.

Faarax Cali Shire ayaa xusay in Puntland ay qaan-gaartay, balse aysan ka qaan-gaarin dhanka Siyaasadda oo ay joogto meeshii markii la aas-aasay oo Odayaasha qabaa’ilka ay soo xulayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in ay dirto daciifnimo ka jirto maamulka hadda ka jira Puntland, oo hay’adihiisa ay ku guul-dareesteen inay fuliyaan howlihii loo igmaday, sida dhaqaalaha iyo amniga.

Faarax Cali Shire oo ololihiisa doorashada ku guda jira, ayaa sameeyay balan-qaadyo uu fulin doono hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha doorashada kuwaasi oo uu kamid yahay mideynta shacabka, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo inuu soo celin doono deegaanada ka maqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM