Farax Cali Shire: Cabdiweli 32 mashruuc ayuu dhagax dhigey, Hal MCH baa laga fuliyey-- Daawo

Image

NAIROBI - Musharax Farax Cali Shire oo waareysi siiyey talefishinka RTN ayaa sheegey in sababta uu isu sharaxay ay ku kaliftey inuu dhibaatooyinka ka jira wax qabto madaama uu yahay nin ka soo shaqeeyey Puntland.

"Runtii Puntland waxay dhisan tahay 20 sano waxay soo martey marxalado kala duwan, waxaa soo qabtey xilalka muwaadiniin, Madaxweynayaal kala duwan ah, nin waliba heer ayuu keeney ilaa maanta ninka haya, laakiin maanta heerka ay joogta waa heer dadku aysan ku qanacsaneyn, muuqaal ahaan iyo Mansab ahaan jiritaankeedii Puntland meel hoose geeyey, waxaan is-leeyahay wax badan ayaa ka badali kartaa dhibaatooyinka amni ee ka jira maanta Puntland, kuwa dhaqaale, kuwo siyaasdeed iyo kuwo bulshaba," ayuu yiri Musharax Farax Cali Shire mar la waydiiyey sababta ku kaliftey inuu isa sharaxo.

Farax Cali Shire oo la waydiiyey waxaa saldhiga u ah qorshaha uu rabo hadii uu ku guuleysto xilka inuu Puntland ku hogaamiyo ayaa sheegey in ay ugu wayn tahay midnimo Puntland iyo wada shaqeyn, dowlad la dagaalanta musuqmaasuqa, eexda iyo musuqa hantida dadweynaha islamarkaana hurumar horseeda.

" Labadaba, waan ugu waayo aragsanahay Cabdiweli Puntland waxaa weeyaana, Cabdiweli Puntland kamana soo shaqeyn dadkeeda iyo dhaqankeeda iyo sida xargaheeda isu suran yihiin nin yaqaaana ma ahayn, tan labaad waxaa weeye Cabdiweli wixii dadku ka filayeen aqoonta aad sheegeyso iyo waaya-aragnimada ma muuqdaan mana qaban, dadku maanta waxay joogaan meel ay ka rajo dhigeen wixii xukuumad la yiraahdo, sababtoo ah dhibaaatooyinka la xalin lahaa oo aan la xalin, laaluush, fowdo iyo amni xumo dalkii soo foodsaartey,' ayuu yiri musharax Farax Cali Shire xilli uu ka jawaabayey su'aal aheyn in Gaas khibrad leeyahay iyo iney jirto inuu ka gaabiyey waxyaabihii looga fadhiyey inuu qabto.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland oo la waydiiyey inta uu wareysigaan socdey iney tahay dhaliisha uu u jeedinayo Gaas mid horey u jiri jirtey oo siyaasiyiinta markii xilkaan raadinayaan waqtiga doorashada soo dhowaado ku yiraahdaan Madaxweynayaasha xilka haya ayaa waxaa uu yiri, " Horta nin wax doonaya oo siyaasi ah meel uu wax kasoo galo iyo daldaloolooyin, waa waxa wax loo doonaa ama xisbiyo loo sameeystaa, in dal-da-loolooyinka qofka kale ama waxa uu qaban waayey la raadsho balse intaas oo dhan waxaa ka sokeeysa oo la yiraahdaa Magaalo waa meesheedii inta joogtana waa markhaati, maanta Puntland, Soomaali oo dhan iyo caalamka inta taqaan markhaati ayey ka yihiin waxa ka jira, heerka ay joogto iyo wixii laga filayey taas ayaa xaqiiqadii ah."

Musharax Shire oo wax laga waydiiyey dhaliishii loo jeedin jirey xukumadii uu ka tirsanaa halka uu kaga baxsanayo ayaa ku jawaabey, " Xaqiiqdu waxaa weeye Cabdiweli meel aan la tagin baan tagayaa, waxaan la qaban baan qabanayaa media waan galiyey, laakiin su'aasha is-weydiinta leh waxaa weeye ma sameeyey, Cabdiweli Hal mar ayuu safar galey 32 mashruuc ayuu dhagax dhigey Hal MCH baa laga fuliyey waa ogyihiin reer Puntland, waxyaabaha la fuliyey ee Cabdiweli sheegey inuu qabtey waa wax horey u jirey, dowladu waxbay dhaxashaa, dowlad kasta oo timaada waxbey dhaxshaa marka Cabdiweli waxaa uu qabtey buu ku faanayaa, waa wixii dowladii hore keentey."

Farax Cali Shire ayaa sheegey in labada mashruuc, garoonka diyaardaha Garowe iyo Jaamacada Maakhir uu ahaa Wsaiirkii soo saxiixey isagoo hoosta ka xariiqey in xaqiiqdu waxaa ay tahay la waydiin doono shacabka sidaas runta ka duwanaan laheyd hadii xisbiyo jiri lahaayeen. 

Wareysiga Musharax Farax Cali Shire siiyey talifishinka RTN isaga oo dhameystiran ka  daawo hoos waxaa uu ka hadlay doorashooyinka Musuqmaasuqa iyo arimo kale:  

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM