Farmaajo oo Ardayda Jaamacadaha kula hadlay Garoowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad u jeediniyay ardayda wax kabarata jaamacdaha Puntland iyo qaar kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka dalka maadaama ay kordhayaan xarumaha waxbarashada.

Madaxweyne Farmaajo oo ardayda kula hadlay Hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe ayaa yiri,“Rajada aan qabo waxa ay tahay ardayda waxbaratay oo aan aaminsanahay in ay aqoontooda wax ugu qaban karaan dalkooda, kuna horumarin karaan. Maxaa yeelay dhallinyaradeenna waxa ay ka yihiin bulshada in ka badan 70%, taasina waa rajo aad u weyn.“

Madaxweynaha ayaa xusay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabur badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada dalka in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dib-uheshiisiinta dalka.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in xukuumadda uu hogaamiyo ay dadaal dheer ku bixin doonto sidii ay usoo celin lahayd kalsoonida shacabka taasoo uu xusay inay sabab u noqon doonto soo laabashada sumcadda shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo, ayaa hadalkiisa ku daray inay xiriirka maamul goboleedyada oo wanaagsanaada ay kaalin ka qaadan karaa soo celinta rajada shacabka.

Musuq-maasuqa ayuu aad uga hadlay, wuxuuna tilmaamay in ruuxii mas'uul ah cuna hantida shacabkaas oo cayn kasta leh cawaaqib xumo uu ku dambayn doono, isagoo sheegay in ka dowlad ahaan ku dedaali doonaan sidii looga hortagi lahaa in arrintaas.

Markii ay soo idlaatay munaasabaddaas ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM