Deni oo loosoo jeediyey in uusan ka qeybgelin shirka DF iyo maamuladda

Image

GAROWE, Puntland – Baarlamaanka dowladda Puntland oo maanta ka hor-yimid xeerka metelaada gobolka Banaadir ee go'aanka la isku khilaafay uu kasoo baxay ayaa madaxweyne Farmaajo uga digay in uu saxiixo.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Golaha Wakiilada Puntland, xeerkaas waa mid waxba kama jiraan oo baalmarsan dastuurka ku meelgaarka ah.

Bayaanka ayaa Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ugu baaqay in uusan meelmarin xeerarka aan waafaqsaneyn dastuurka iyo shuruucda dalka.

"Waxaan ka digeynaa in madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu saxiixo habraacyo io xeerarka kasoo horjeeda dastuurka JFS, maadaama madaxweynuhu yahay ilaaliyaha dastuurka sidda ku cad Qodobka 87aad farqadiisa 1aad ee Dastuurka JFS," ayuu yiri.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka oo lagu caddeeyay in dalka aysan 2020-21 la dhici karin doorasho qof iyo cod ah sabab la xiriirta amni la'aan, dhameystirka dastuurka oo aan la sameyn iyo diiwaan-gelinta.

Intaas waxaa wehlisa, caqabado kale oo ay kamid yihiin; in aysan jirin miisaaniyad ku filan, asxaab ku dhisan nidaam siyaasadeed iyo tirokoob dadweyne.

Ugu dambeyntii, golaha ayaa dowladda Puntland ku dhiirageliyey in aysan ka qeybgelin shirka madaxweyne Farmaajo ku casuumay maamul goboleedyadda, kaasoo bisha dambe ee July ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso bayaanka

No photo description available.

Image may contain: text

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM