Farole "Diidmadeydii 4.5 ayaan kula taliyey madaxweyne Gaas"

Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxamaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay shirarka ka socda magalada Garowe ee looga hadlayo doorashada 2016 iyo mowqifkiisa ku aadan qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha.

Idaacadda Radio Garowe, oo xiriir la samaysay madaxweynihii hore si ay wax uga ogaato arrimaha socda, ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaatay madaxweynaha Puntland iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake wuxuuna sheegay in wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia ka wada hadleen ujeedka uu u yimi Puntland oo ku salaysan in loo hogaansamo habraaca doorashada Somalia ee magalada Muqdishu lagu go'aamiyay.

Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole, ayaa tilmaamay inuusan mowqifkiisii hore waxba iska badalin islamarkaana uu taaganyahay inaan la qaadan 4.5, Ra'isal wasaarahana usoo bandhigay qoraalo iyo warbixino ka hadlaya habkan iyo siduusan ugu haboonayn in Somalia mar kale wax ku doorato.

Wuxuu carrabka ku dhuftay inaysan arrintaasi qancin Cumar Cabdirashiid islamarkaana uusan ka tanaasulin rabitaankiisii ahaa  qaadashada 4.5, isagoo safarka Cumar Cabdirashiid ku sifeeyay mid uu ku raadinayo qaabka shacabka Puntland uga dhaadhicin lahaa inay qaataan nidaamkan oo uu xusay inuusan u suurta gali doonin.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shir dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Gaas isagoo sheegay inay ka wada hadleen xaaladda Puntland iyo doorkii uu ka qaatay dagalladii ka dhacay Puntland.

"Madaxweynaha maalintii hore ee uu tagayay waan wada kulanay oo gurigayga ayaan ku kulanay oo kuwada qadaynay, shalay galabna waan ballanay oo anaa u tagay isagaana ii yeeray oo yiri inaan tashi galno ayaan u baahanahay, waanu isu nimi waxuuna iiga waramay safarkiisii uu kusoo maray North America iyo beesha caalamka wuxuu kala kulmay, aniguna waxaan uga waramay dalka inkastoo uusan ka war la'ayn oo dowladii joogto una waramaysay laakiin waxaan xog ka siiyay dagaalladii dhacay iyo kaalintii aan kulahaa iyo Somalia waxaana ka ogahay ha ahaato Muqdishu ama meelaha kale ee la adoonsaday oo Muqdishu banaanka ka ah oo inaga Koonfur inaga ah, kuwaasi caruurtoodii laga soo kaxaytay dagaallana la galiyay oo warid badan carruurtoodii meelna ku ogayn, dadkaas la adoonsaday ayaan uga waramay,"Ayuu yiri madaxweynihii hore Puntland

Farole, ayaa sheegay in madaxda Puntland iyo shacabkoodu ka midaysanyihiin diidmada 4.5, waxaana arrintani kusoo aadaysa xilli magalada Garowe ku suganyahay wafdi uu hogaaminayo Ra'isal wasaaraha Somalia, kuwaasi oo caasumadda Puntland ku qaadanaya kulamo kala duwan oo khuseeya habka loo marayo doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016.

"Waxaan kaloo u sheegay inuusan mowqifkaygii 4.5 uusan is badalin, Puntland-na taasaa shacabkeedu sidaan ogahay ku gowracanyahay waan ku midaysantahay midnimadeedana waa u baahantahay inay haysato, madaxweynaha annaga wax khilaaf ah nama dhexmarin, wixii aan kawada hadalnay aniga garashadayda waxay ila tahay inaan isku mowqif nahay oo dalkaan in laka dhantaalo u baahnayn ee midaysanyahay wixii dantiisa ahna uu noqdo go'aanka xukumaadda, "Sidaasi waxaa yiri Farole.

Dhinaca kale shirar ka dhacay magaalo madaxda Puntland oo looga hadlay nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ayaan wali laga soo saarin wax go'aan ah waxaana wararka aan helayno sheegayaan in labo guddi oo dhinacyada Puntland iyo Federalka ka socda isku mari waayeen kulamadii dhacay.

Halkan ka dhagayso codka Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM