Farole " D. Federaalku xil iskama saarto ammaanka mas'uuliyiinta"

Image

March 29, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Farole ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inaysan xil iska saarin sugidda ammaanka mas'uuliyiinta dowladda.

Farole oo isagoo dalka Australia ku sugan waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe, wuxuu sheegay in dowladda ay waajib ku tahay ilaalinta nabadgelyada mas'uul kasta oo xil haya iyo weliba dadka kasoo jeeda gobollada kale ee Muqdisho ka shaqeeya.

"mas'uuliyadda waxaa iska leh Dowladda Federaalka...ninkaas safiirka ah ammaankiisa in si gaar ah loo ilaaliyo ayey ahayd ma ahan inuu dadka caadiga ah iska dhex dego...waan ku dhaliilayaa dowladda taas" ayuu yiri.

Dhan kale, Dr. Farole wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyey inaysan baaritaan iyo daba gal ku sameyn weerarrada caynkan oo kale ah marka laga tago inay cambaareyso tacsina u dirto ehelada dadka geeriyoodey.

"tacsi wax dhaafsiisan oo ay soo sheegaan maleh, lama baaro waxba lama soo sheego dambe, taxadar dambe lama sameeyo...aad baan uga xunnahay"

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in madaxda sare ee Dowladda Federaalku u yeereen Danjire Bari-Bari si xilka looga qaado, wararku waxay sidoo kale sheegayaan in kooxdii Al-shabaab ee hoteelka weerartey ay toogteen Danjire Bari-Bari laakiin aanay waxba gaarsiin labo mas'uul oo kale oo markii weerarku dhacayey la fadhiyey.

Meydka Yuusuf Bari-Bari waxaa saacadaha soo socda la keeni doonaa magaalada Garowe, halkaasoo aas qaran loogu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM