Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Image

Addis Ababa — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo ka furmay magaalada Addis Ababa, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo iskaashi qaran iyo mid qaaradeed si wax looga qabto saameynta isa soo taraysa ee isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya, inkasta oo ay wax yar ku leedahay sababaha horseeda isbeddelka cimilada, ay haddana ka mid tahay dalalka ugu nugul dhibaatooyinka ay sababto.

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof, sababtayna barakac baahsan iyo dhibaatooyin dhaqaale.

“Waa in aan iskaashi dhexmara dalalka Afrika horumarinno, si aan uga hortagno khatarta cimilada,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo carabka ku adkeeyey in dadaalka qaran ee Soomaaliya uusan joogsan doonin.

Madaxweynaha ayaa xusay tallaabooyinka dowladdu qaaday oo ay ka mid yihiin:

  1. Soo gudbinta Qorshaha Qaran ee Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada (NDC),
  2. Hirgelinta olole caagareyn ah oo lagu beeri doono 10 milyan oo geed,
  3. Dhisidda Sanduuqa Qaran ee Cimilada si loo xoojiyo adkeysiga deegaanka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka Afrika in ay ka soo baxaan shirkan go’aamo la taaban karo oo dhaxalgal ah, kuwaasoo lagu xoojinayo iskaashiga si loo helo xalal waara oo lagu wajahayo isbeddelka cimilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM