Farole oo ka hadlay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoowe [Daawo]

Image
Image

GAROOWE, Puntland- Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo soo noqday Madaxweynaha Puntland, ayaa ka hadlay sida uu kusoo bilowday qorshaha lagu dhisay garoonka diyaaradaha caasimadda Garoowe oo maanta xarigga laga jaray.

Farole oo hadal ka jeediyay munaasabadda Daah-furka Madaarka oo loo baxshay General Maxamed Abshir Muuse, ayaa sheegay in AUN Cabdullaahi Yuusuf oo soo bilaabay dhismaha Garoonkanka.

"Taariikhdan garoonkan intii lasoo waday oo dhismahiisu socday oo uu ahaa ciid sida Kanooko oo kale iyo hadda oo uu yahay Laami 15 sano weeye." sidaas waxaa yiri Farole oo hadalkiisa kusii daray, "Garoonkan waxaa bilowday dowladdii Cabdullaahi Yuusuf 2003-dii anigoo markaas wasiir ahaa, anigaa goobtaas sahamiyay anigaa keenay Engineerkii halkaas cabiray, waxayna nagu qaadatay inaan dhisno 7 sano, anigoo wasiir ah ayaan bilaabay anigoo Madaxweynaha Puntland noqday ayaan 2010-kii dhammeeyay."

Senator Farole oo sii hadlaya, ayaa sheegtay inay waqtigaas wixii ka dambeeyay u howlgaleen sidii loo hormarin lahaa Kaabayaasha dhaqaalaha islamarkaana wadamo badan mashaariic u raadsadeen ilaa ay ka heleen deeq gaaraysa 10 Milyan dowladda Kuwait oo soo marisay hay'adeeda kaalmada qaabilsan ee Kuwait Fund. Lacagtaas ayuu xusay inay u kala qaybiyeen garoonka diyaaradaha Garoowe iyo Jaamacadda Makhir oo la siiyay 4 Milyan.

"Shirkii ugu horeeyay oo Istabul 1 la oranjiray oo anigoo Madaxweyne ah ka qaybgalay, waxaan ku guulaysanay War-murtiyeedkii kasoo baxay, inuu noqdo labada mashruuc ee ugu horeeya ee Soomaaliya laga dhisaayo inay noqdaan Garoonka Garoowe iyo kan Boosaaso," sidaas waxaa yiri Senator Farole oo hadalkiisa sii raaciyay, "War-murtiyeedkaas ayaa ku baryo tagnay adduunka meel aanan tagin ma jirin reer Galbeed oo dhan waan u tagnay, Qadaafi AUN oo habeen Geel la joogana waan u tagay 1dii habeenimo, Cali Cabdallah Saalax AUN waan u tagay, wuxuu igu yiri anigu Musalif baan ahay laakiin waxaan idiin la hadlayaa Abu Dabi iyo sanaadiiqda Carabta, ILAAHAY wuxuu nagu guuleeyay dowladaha Talyaaniga iyo Kuwait inay bixiyaan labadaas Garoon, laakiin lacagtu kuma filnayn. Waxaan filaynay inuu Waji kale yimaado laakiin ma imaan."

Farole, ayaa madaxdii waqtigaas hogaanka u haysa dowladda Soomaaliya 2010-kii [Sheekh Shariif iyo Cabdiwali Gaas] ku dhaliilay inay ku guul darraysteen inay bixiyaan amarka lagu sii daynayo mashaaruuca lagu dhiyay Garoonkan, halka ay sii daayeen kan Hargaysa.

"Dowladdii markaas joogtay oo Sheekh Shariif iyo Cabdiwali Madaxda u ahaayeen, Farmaajo waqtigaas waa la badalay, waxay awoodi wayday inay sii daayaan oo Kuwait Fund waydiisay oo tiri ma sii daynaa, waxay dhaheen Kan Hargaysa sii daaya kan Garoowe dib u dhiga ILAAHAY kama dhigin,” sidaas waxaa yiri Farole.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa sheegay in Ra’isal wasaare Saacid uu ahaa mas’uulkii saxiixay kadib markii ay ku fashilmeen Shariif iyo Cabdiwali inay mashruucan muhiimka u ah Puntland la sii daayo.

“RW Saacid ayuu ahaa ninkii saxiixay mashruucan, Garoonka Hargaysa ayuu la dhammaan lahaa ee dib u dhacaas ayaa dayacay.”

Farole, ayaa madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu dhammaystiro dhismaha Garoonka oo uu xusay inuu wali yahay Qabyo u baahan in la ebyo, isagoo sheegay in Madaarku uu ku yaallo goob muhiim ah.

Wuxuu kaloo sheegay ilaa maalintii la bilaabay shaqada garoonka iyo hadda oo uu gabo-gabo marayo uu dabo taagnaa ujeedkuna ahayd sidii dadkan looga saari lahaa baahida dhinaca Garoomada casriga ah, wuxuuna meesha ka saaray in arrintan uu ku raadinayo magac iyo maamuus intaba ee ay tahay Qorshe uu ALLE ugu dhawaanayo.

Hadalka Farole ayaa kusoo aaday xilli uu dedaal xooggan ku bixiyay sidii garoonka looga dhigi lahaa mid caalami ah oo habeen iyo maalin la isticmaalo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM