Farole oo ka hadlay go'aanka Puntland [Dhageyso]

Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamud Farole ayaa soo dhaweyay go'aanka dowladda Puntland ka qaadatay waxyaabaha laga soo saaray shir hogaamiyaasha Somalidu ku lahaayeen magalada Muqdishu, wuxuuna taageeray banaanbaxyada lagu xoojinayo mowqifka xukuumadda.

Farole oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa magalada Garowe, ayaa ku dheeraaday doorkii Puntland ku lahayd midnimada Somalia, hirgalinta nidaamka Federalism-ka iyo ka gudbidii KMG-nimda, isagoo sheegay in shirar ka dhacay Puntland gaar ahaan Garowe looga baxay habka wax ku qaybsiga beelaha.

Kulankaas ayuu xusay in xitaa lagu go'imayay dastuurkana lagu dhigay qaabka loo maaraynayo doorashada dhici doonta 2016 gaar ahaan soo xulista 

Xildhibaanada, wuxuuna sheegay in xilligaas la isku afgartay in Barlamanka imaan doona sannadkan lagu saleeyo deegaan lagana gudbo qabiil.

Arrintaas ayuu Madaxweyne Farole cadeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku tuntay, kuna sameeyay xadgudub dadka oo dhan ka dharagsanyihiin, isagoo tusaale u soo qaatay dagaallo uu sheegay in laga maleegay dalka iyo lacago lagu bixiyay qaabkii loo faragalin lahaa dastuurka dalka.

Farole, wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ku dhaliilay ka been sheegista kitaabka ALLE, isagoo soo daliishaday Xadiith, micna ahaan u dhignaa (Calaamadaha munaafiqa lagu garto waa saddex;  Marka uu sheekaynayo wuu been sheegayaa, marka ballan uu galo wuu kabaxayaa, marka la aaminana wuu khiyaamayaa).

Dhinaca kale Madaxweyne Farole ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Somalia, balse wuxuu ku dhaliilay faragalinta ay ku hayaan arrimaha dalka gaar ahaan wadahadallada looga xaajoonayo hab raaca doorashada 2016, wuxuuna ka codsaday inay la yimaadaan mowqif cad oo xusaya in arrimaha Somalia faraha kala baxaan ama ay si cad u maamulaan sida uu Madaxweynuhu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweynahihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa kusoo aaday xilli magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka dhaceen banaanbaxyo lagu taageerayo mowqifka xukuumadda Puntland ka istaagtay waxyaabaha la sheegay inay kasoo baxeen shir madaxda Somalida uga socday Muqdishu, kaasoo looga hadlayay qaabka lagu salaynayo doorashada 2016 la qorsheeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM