​Farole oo ka hadlay shirka ay la qaateen Michael Keating

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating, wuxuuna sheegay inay ula tageen qoraal ka hadlay waxyaabaha la isku hayo ee khuseeya doorashada dalka Somalia 2016 ka dhacaysa. 

Farole, wuxuu tilmaamay in qoraalkooda ku muujiyeen in dowladda Somalia ku fashilantay hogaaminta dalka islamarkaana nidaamkan uusan ahayn mid la aqbali karo, maadama dowladda hadda Somalia ka talisa laga sugayay in dalka gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah, balse taa badalkeeda ku laabatay habka qabaliga ah ee laga soo gudbay. 

Nidaamka 4.5, ayuu madaxweynihii hore sheegay inuu yahay olole ay wataan hogaamiyaasha ku fashilmay siyaasadda dalka, isagoo xusay intii karaamkooda ah inay ka shaqeeyeen maslaxadda iyo hormarka umadda Somaliyeed. 

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan shacabka iyo dowladda Puntland isku mowqif ka yihiin arrinta ku addan doorashada dalka iyo habka ay isku raaceen dowladda Federalka, beesha caalamka iyo maamullada dalka qaybtood, wuxuuna Farole ku sifeeyay qaadashada habkan ee maamulka Jubbaland inay sababtay duruufaha ku xeeran ee aysan shacabku raali ka ahayn. 

Hadalka Madaxweynihii hore Puntland ayaa kusoo beegmay xilli magalada Garowe kasocdaan kulamo u dhaxeeya bulshada qaybaheeda kala duwan iyo wafdiga kasocda beesha calamka, waxaana shirarkaasi salka ku hayaan qaabkii dadka reer Puntland looga dhaadhicin lahaa inay qaataan 4.5, waloow dhammaan xubnihii uu la kulmay Keating ay qaateen mowqif isku mid ah. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM