​Farole "Waxaan isu sharaxay si aan wax uga qabto 4.5"

Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta shaaciyay inuu yahay murashax u taagan doorashada 2016 ee dalka Somalia kadib mar uu ka hadlay hishiiskii xalay magalada Garowe ku dhexmaray dowladda Federalka Somalia iyo Puntland.

Farole ayaa is-sharaxaadiisa ku sheegay inay kalliftay qaadashada nidaamkaasi oo tilmaamay inuu muddo dheer diidanaa dadaalna usoo galay sidii Garowe loogu saxiixi lahaa hishiis joojinaya in Xildhibaanada Somalia lagu soo doorto 4.5 wixii ka dambeeya kuwa hadda jira.

"Umadda Somaliyeed waxaan u sheegayaa inaan si daacad ah ugu shaqayn doono nidaamka Federalka hirgalin doono hadii ILAAHAY ila garab galo dadkeedana aan u xulan karo nabadda Somaliyeed sidii loo soo dabaali lahaana ka shaqayn doono sidaan Puntland uga shaqeeyay markaan joogay, hadii ILAAHAY igu simana oo aan kusoo baxo doorasho xaq ah oo lagu kalsoonaan karo oo umadda Somaliyeed iska arki karaan, sidii aan sameeyay 2014 doorashadii ka dhacday Puntlandgaarsiin doono dalka Somalia

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, ayaa xusay in dalka hormar gaarsiin doono hadii uu kusoo baxo doorashada  Somalia 2016, islamarkaana doorashada 2020 ka dhigi doono mid dimuqraadi ah oo lagu kalsoonaan karo  si simanna umadda Somaliyeed isaga dhex arki karaan.

Farole, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dareenkiisa ku aaday hishiiskii xalay ka dhacay magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna sheegay inuu arrintaasi ka xunyahay islamarkaana diidanyahay, wuxuuna xusay inuusan maanta lahayn awood lagu xakamayn karo tallaabadaasi.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday qoraalkii hishiiska ka hor kasoo baxay Madaxweynaha Somalia, isagoo sheegay in arrintaasi siyaasad xumo ku dhacday, balse looga baahnaa Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Gaas inay diidaan 4.5 maadama madaxii dalka ugu sareeyay ka hor dhacay.

Murashaxnimada Madaxweynihii hore Puntland, ayaa kusoo beegmaysa xilli doorashada Somalia ka harsantahay 4 bilood oo kaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM