Firxadka Al-shabaab iyo Feejignaan La'aanta Puntland

Image

Hordhac:

October 30, 2014 (GO)- Al-shabaab oo saddex sano kahor ahayd quwad aan la giijin karin gacantana ku haysey inta badan gobollada dalka Soomaaliya, waxay maanta joogtaa marxaladdii ay ugu tabarta darneyd. Ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa kooxda ka saaray wax ka badan %80 deegaanadii ay horay uga arimin jirtey.

Sidoo kale in awoodda Al-shabaab wiiqanto waxaa qayb ka qaatay khilaaf soo kala dhex galay hogaankeeda iyo dilkii Axmed Cabdi Godane.  Godane oo lixdii sano ee lasoo dhaafay hoggaamiye u ahaa Ururka Al-shabaab waxaa September 1, 2014 lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeelada Hoose ka fuliyeen diyaaradaha Maraykanku.

Al-shabaab oo mudo dheer ka fekereysey hadii laga saaro deegaanada ay koonfurta Soomaaliya kaga sugan tahay meesha kale ee awoodeeda u weecin  karto, wuxuu qorshaheeda labaad  (Plan B) ahaa inay usoo guurto buuraha Golis gaar ahaan deegaanada hoos taga tuulada Gagala ee gobolka Bari.

Dhulkaasoo Al-shabaab ula baxeen magaca (Sharqistaan) waa dhul buuraley ah islamarkaana istaraatiijiyad dagaal oo fiican u leh Al-shabaab iyo kooxaha lamidka ah ee u dagaalama habka loo yaqaan " ku dhufo oo ka dhaqaaq".

Firxadka Al-shabaab mala sugayaa intay Galgala soo gaarayaan?!

In awoodda ciidanka Punltand oo dhan la isugu geeyo dhulka buuraleyda ah ee magaalada Boosaaso koonfur-galbeed kaga beegan, waxay la micne tahay in layska ilaaway Puntland inteeda kale islamarkaana aan xil weyn layska saarin xuduudaha dhuleed iyo kuwa badda ee Puntland gaar ahaan meelaha lays oran karo firxadka Al-shabaab Puntalnd way kasoo geli karaan.

Bal qiyaas haddii maalin kasta labo ama saddex xubnood oo Al-shabaab ahi si dhuumaalaysi ah kusoo galaan Puntland, lix bilood kadib imisa xubnood oo kooxdaas ka tirsan ayaa la fili karaa inay joogaan Puntland? Celcelis ahaan waa inta u dhexeysa 360-540. Si kale marka loo dhigo taas micnaheedu waa dhowr guuto oo ciidan ah!

Haddii 10 ama 20 xubnahaas kamid ahi yihiin kuwo loo soo diray inay is qarxiyaan, imisa weerar oo ismiidaamin ah ayaa dhici kara sanad gudhiis khasaare intee le'eg ayaase ka dhalan kara? Badi dadku qaabkaas uma fekeraan laakiin waa sida ay tahay in dowladdu wax u odorosto si khatar kasta oo dhanka Al-shabaab ka imaan karta looga gaashaanto.

Ma dhab baa in Al-shabaab laga sifeeyey buuraleyda Golis?

October 1, 2014, ciidamada Puntland waxay la wareegeen fariisimihii kooxda Al-shabaab ku lahayd deegaanada hoos taga tuulada Galgala ee gobolka Bari, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isla maalintaas madaxtooyada Garowe shir-jraa'id ku qabtayna wuxuu shaaciyey in Al-shabaab laga sifeeyey buuraleyda Galgala. 

Tallaabadaasi waa mid soo dhoweyn mudan, micnaheeduse ma ahan in laga adkaaday Al-shabaab lagana sifeeyey buuraleyda Golis, sababtoo ah ma jiro hal qofba Alle haka dhigee wax maxaabiis ah oo hawlgalkaas lagu soo qabtay amase qaar Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu laayey marka laga reebo labo sarkaal oo ciidamo sahan ahaa toogteen October 5, 2014 kadib markii si lama filaan ah iyaga iyo nimankaasi isugu soo baxeen.

Dhanka kale ma ahan arin ugub ah in ciidamada ammaanka Puntland tagaan tuulada Galgala sababtoo ah waxaa jirtey xiliyo badan oo ciidanku la wareegeen Galgala iyo deegaanada ku xeeran in muddo ahna ku sugnaayeen.

Maxaa Dowladda Puntland la gudboon?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " biyuhu intaysan kusoo gaarin ayaa layska moosaa" sidaas darteed Dowlada Puntland waxaa looga fadhiyaa inay qorshe cad arintaas ka yeelato maadaama marxalad adag lagu jiro. Si gaar ah laamaha Dowladda ee ku shuqulka leh sugidda amaanka waxaa la gudboon inay qabaan feejignaan dheeri ah oo laban laab ka badan tii ay horay u qabeen, waxaa docda kale lagama maarmaan noqonaysa in bulshada iyo laamaha ammaanku si dhow u wada shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM