Gaadiid cunto iyo qaraxyo u waday Daacishta Soomaaliya oo la qabtay

Image

GAROWE, Puntland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Puntland [PSF] ayaa gacanta ku dhigay laba gaari oo nooca xamuulka qaad ah kuwaas oo qaraxyo iyo cunto u waday dagaalameyaasha Daacish.

Dharbaaxadan ayay kooxda sheegata Dowladda Islaamiga ah ay kasoo gaartay howlgal qorsheysan oo ciidamaddu ka sameeyeen tuulooyin ku teedsan degmadda Isku-shuban ee gobolka Bari.

Intii dhaqdhaqaaqu socday oo shalay la qaadey, ciidamadda ayaa sidoo kale dilay sideed xubnood oo ka tirsanaa maleeyshiyaadkaas argagixisadda ah.

Saraakiil ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in xubnaha laga dilay xoogaga hubeysan ay qaarkood ku geeriyoodeen duqeyn dhanka cirka ah, qaar kelana lagu toogtay iska hor-imaad fool ka fool ah.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, ma jiro waxyeelo howlgalkaan kasoo gaarey dhanka ciidamadda iyo dadka degaanka.

Qof kamid ah dadka degaanka oo sababo amni uga gaabsaday magaciisa ayaa khadka telefoonka ugu sheegay mareega GO in ciidamada sidda gaarka ah u tababaran Puntland ay wateen hub culus.

"Aad bey u qalabeysnaayeen, waxaad moodeysaa in ay ahaayeen rag soo tabaabusheystay. Annaga xabadaha kaliyaa maqnay iyo araggooda. Ragga ay la dagaalamayeen waxaa nagula sheegay in ay yihiin Daacish. Khasaaro ma arki kareyn," ayuu yiri ruux oo ah qof da' ah.

Dhanka kale, kooxda Daacish ayaanan wali ka hadlin weerarkaan cirka iyo dhulka ee lagu ekeeyay, wallow aan looga baran in ay hadlaan marka ay soo wajahdo guuldaro iyo jab weyn oo noocaan lamida.

Daacishta Soomaaliya oo ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah ee maamulka Puntland waxaa hogaamiya Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga kamid ahaa Al-Shabaab, balse 2015-kii isaga baxay ururkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM