Gaas: In la kordhiyo lacagta Dekedda Khasab weeye

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo bixinayay waraysi gaar ah ayaa ka hadlay xaalada dekedda Boosaaso, duqaymo ka dhacay gobolka Bari iyo safarkiisii Ethiopia.

Gaas ayaa sheegay in socdaalkiisii Ethiopia uu ahaa mid ay ku jirto danta shacabka iyo Ganacsatada Puntland sidii ay suuq ugu heli lahaayeen badeecooyinkooda.

Wuxuu intaas ku daray in Madaxda Ethiopia ay isla soo qaadeen dagaalka Argagixisada islamarkaana soo kala saxiixday heshiis ku saabsan Ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa isku xiray safarkiisa Ethiopia iyo qalalaasaha ka daagan Boosaaso isagoo sheegay inaysan macquul ahayn in fowdo la abuuro isaguna uu u dedaalayo ganacsiga Puntland.

Waxaa wax laga weydiiyay cabshada ganacsatada Boosaaso iyo in dowladdu garowshiyo ka bixin doonto wuxuuna ku jawaabay, "Lacagta waa la kordhinayaa sababtoo ah 336 Malyan oo dollar, marka in wax la kordhiyaa khasab weeye waayo qofku wuxuu maalgashaday waa inay wax uga soo noqdaan."

Duqaynta Diyaaradaha Maraykanku ka wadaan gobolka Bari ayuu sheegay inay sii socon doonaan islamarkaana lagu dilay mallayshiyaad katirsan Daacish, inkastoo uu xusay inuusan maqal waxyeello soo gaartay horjoogayaasha ururkaas.

Waraysigan oo ay BBC-du ka qaaday Gaas ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe aysan wanaagsanayn xaalada magaalada Boosaaso iyadoo ismaandhaaf u dhaxeeyo ganacsatada iyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM