Gaas: PL ma hortaagna dhismaha maamulada Federaalka

Image

October 5, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA.

Arimaha uuu ka hadlay waxaa kamid ahaa: hawlgalkii ciidamada Puntland kula wareegeen fariisimihii Al-shabab ee Galgala, khilaafka Puntland iyo Galmudug; Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka iyo weliba dhismaha maamulka la qorsheynayo in loo sameeyo gobollada dhexe gaar ahaan Mudug iyo Galguduud.

Hawlgalkii Galgala:

Cabdiweli Gaas waraysiga uu siiyey VOA-da wuxuu ku sheegay in Puntland si buuxda ugu soo jeesatay la dagaalanka iyo ciribtirka Al-shabab, isagoo xusay in ciidamada Puntland aanay dib usoo laaban doonin ilaa ay si buuxda u dabar goynayaan Al-shabab.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladdu qorshaynayso sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii beeraleyda u badnaa ee horay uga soo barakacay deegaanka Galgala kadib markii Al-shabab halkaas fariisinka ka dhigatay.

Dowladii hore ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole hoggaminayey ayaa dagaal xooggan la gashay Al-shabab kuna guuleysatay inay xakameyso dhaq dhaqaaqyada kooxdaas iyo weliba inay usoo gudubto dhulka buuraleyda Galgala dhanka magaalada Bosaso kasoo xiga.

Khilaafka Puntland iyo Galmudug:

Mar wax laga weydiiyey khilaafka ka dhashay garoonka magaalada Gaalkacayo ee soo kala dhex galay Puntland iyo Galmudug, wuxuu sheegay in arintaasi ahayd mid uu si buuxda u qaadayo mas'uuliyadeeda Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Su'aal kale oo ahayd  "maxaa ka jira inaad Galmudug u diideen inay garoon gaar ah samaysato qaybna ka qaadato cashuurta kasoo xeroota garoonka Cabdulaahi Yuusuf? Wuxuu isagoo ka jawaabaya sheegay in ruqsadda dhismaha garoomada aanay Puntland bixin shaqona ku lahayn, garoon ay dhismihiisa is hor taagteyna jirin.

Cashuurta kasoo xeroota garoonka oo waraysi horey Madaxweynaha Galmudug u bixiyey ku sheegay inay khasab tahay in qayb laga siiyo wuxuu iyadana Cabdiweli Gaas ka yiri in garoonka Cabdulaahi Yuusuf kamid yahay garoomada Puntland maamusho dakhliga kasoo xeroodana iyadu leedahay cid kale oo soo faragelin kartaana jirin.

Ugu dambeyntii wuxuu carrabka ku adkeeyey in dadka ku nool gobolka Mudug yihiin dad nabadda jecel, walaalo ah, is hurran lagama maarmaanna ay tahay inay nabad iyo deris wanaag ku wada noolaadaan.

Dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe:

Isagoo ka hadlayey sida Puntland u aragto dhismaha maamulka loo sameynayo gobollada dhexe, wuxuu sheegay in Puntland aanay hortaagneyn in federaalku dalka oo dhan ka hirgalo lana dhiso maamul goboleedyada weligeedna taas hormuud ka ahayd balse waxa ay diidan tahay yahay in qaab aan sharci ahayn maamullada lagu dhiso.

Dowladda Federaalka wuxuu Madaxweynuhu ugu baaqay inay cadayso qaabka maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe gaar ahaan deegaanada gobolka Mudug ku yaalla ee kamid noqon doona maadaama qaybo badan oo Mudug ahi Puntland raacsan yihiin.

Haddii Dowladda Federaalku qaabkan isaga ah wax kusii wado wuxuu sheegay inay horseedi doonto in laysku dhaco lana kala aaminaad baxo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xiriirka Puntland iyo Federaalka:

Xiriirka Puntland iyo Federaalka isagoo ka waramayey wuxuu tilmaamay inuusan wanaagsaneyn laga soo bilaabo markii Muqdisho lagu saxiixay heshiiska maamulka loogu dhisayo gobollada dhexe.

Madaxweyne Gaas ayaa xaqiijiyey in Dowladda Federaalku qorshahaas ku soo wargelin kalana tashan Puntland, sidaaas darteed Puntland u aragto in lagu xadgudbay shuruucda dalka iyo weliba jiritaankeeda.

Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland inuu sidiisii caadiga ahaa kusoo noqdo wuxuu ku xiray shardi ah in la cadeeyo xuduudaha maamulka gobollada dhexe yeelan doono iyo weliba in aan la qaadin tallaabo Puntland u arki karto inay jiritaankeeda xadgudub ku tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM