Gaas oo degdeg ku magacaabey guddoomiyaha Bangiga Puntland

Image

30 October,2015 (GO)- Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe online ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Gaas wareegto uu soo saarey xaley 29 October, 2015 ku magacaabey Cabdi Ismaaciil Boos gudoomiyaha Bangiga Puntland.

Cabdi Ismaaciil Boos oo horey u ahaa wasiirka beeraha xukuumada Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa isku shaandheyntii golaha wasiirada  dhowaan lagu sameeyey ku waayey xubinimadiisa.

Magacaabistaan ayaa timid kadib markii xildhibanaada Sool iyo Cayn uu ka balanqaadey in xilkaan u magacaabayo dhowaan iyadoo taas badalkeeda uu ka helo ineysan waydiin su'aalo furitaankii kalfadhiga 36aad ee Barlamanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida wararka Garowe Online ku helayo soo dadejiyey magacaaibistaan kadib markii magaalada Garowe uu ka bilowdey loolan loogu jiro xilka gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo dhowaan banaanaadey.

Xildhibaan Saadiq Garaad iyo gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Barlamanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo wakiil uga ah madaxweyne Gaas ka dhex shaqeynta xidlhibanada Sool iyo Ceyn ayaa wararkaan sheegayaan iney ka shaqeeyeen sidii loo soo dadejin lahaa magacabista gudoomiyaha Bangiga.

Magacaabista madaxweynaha Puntland ku sameeyey gudoomiyaha Bangiga ayaa xeeldheerayaasha aaminsan yihiin ineysan waafaqsaneynDastuurka taasoo qodobka 111aad farqadiisa 3aad sheegeyso in kulan golaha xukuumada yeesho lagu magacaabi karo gudoomiyaha Bangiga.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Bangiga ayaa sida Dastuurka ku xusan aan shaqeyn karin iyadoo aan la magaacbin guddi ka kooban 7 xubnood kuwasoo hagaya howlaha bangiga.

Dasturka Puntland qodobkiisa 111aad ayaa uga hadlaya habraaca loo marayo magacaabista gudoomiyaha Bangiga Puntland halka madaxweyne Gaas ku magcaabey wareegto xafiiskiisa kasoo baxdey iyadoo la ogsoonahay in golaha wasiirada aysan muddo 12 asbuuc wax kulan ah isugu imaan.

Sidaaan ayaa Dastuurka Puntland uga hadlayaa habraaca magacabista godoomiyaha Bangiga Puntland;

Qodobka 111aad BANKIGA DHEXE

1. Bankiga Dhexe waa hay’ad Dawladeed oo Madaxbannaan, wuxuuna u xilsaaran yahay:

b. Hirgelinta siyaasadda lacageed ee Dawladda
t. Daabicidda lacagta.
j. keydinta lacagaha iyo qiimaleyda kale.
x. Oggolaanshaha shirkadaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay.

kh. Kormeeridda shirkadaha maaliyadeed ee gaarka ah iyo kuwa guud ee Puntland ka hawlgala.

2. Bankiga Dhexe waxaa hawlihiisa haga Guddi Maamul oo ka kooban toddoba (7) xubnood oo kala ah:

b. Guddoomiyaha Bankiga Dhexe.
t. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda.
j. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga.
x. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.
Kh. Saddex xubnood oo ay magacawdo Rugta Ganacsiga.
d.Xoghaye aan cod lahayn oo noqonaya Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe waxaa xilka u magacaaba Xukuumadda, iyada ayaana sababaha sharcigu tilmaamayo oo kaliya ku ruqseyn karta, Golaha Wakiillada ayaa ansixiya magacaabistiisa iyo ruqseyntiisaba.

4. Qaab-dhismeedka iyo nidaamka uu ku hawl-galo Bankiga Dhexe, waxaa qeexaya xeer gaar ah oo Golaha Wakiilladu ansixiyo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM