Gaas oo dib isku soo sharxay xilli uu ku fashilmay shantii sano ee hore

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha waqtigiisu dhamaade ee Puntland, Cabdiwali Gaas, ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax doorashada madaxtinimada January 8, 2019.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda shaacinta Musharaxnimadiisa oo ka dhacday East Africa Hall, Cabdiweli Gaas ayaa sameeyay balan-qaadyo lamid ah kuwii uu ku galay doorashadii 2014-kii, oo aan intooda badan ku fashilmay maamulkiisa inuu fuliyo.

Gaas ayaa ku biiray Musharixiinta u tartamaya xilka ugu sareeya Puntland bisha soo socota, xilli dowladda uu hogaaminayay ay ku fashilintay mudadii ay jirtay inay wax ka qabato amniga, dhaqaalaha iyo inay gaarsiiso Puntland doorasho qof iyo cod ah 2019.

Mudadii xukunka Gaas waxaa lagu xasuustaa in Deegano hor leh ay Somaliland kala wareegtay Puntland, oo Tukaraq ugu dambeysay, iskaba daa in lasoo celiyo kuwii hore u maqnaa, waxaa fara ka baxay amniga, oo Al Shabaab iyo Daacish kusoo xoogeysteen gobolka Bari, sidoo kalena waxaa la dayacay xuquuqdii ciidamada, oo marar badan gadood sameeyay.

Shaacinta Musharaxnimda Gaas ayaa kusoo aadeysa xili uu mudooyinkii dambe wadday kulamo siyaasadeed iyo Olale si hoose ah, isagoo faragelin ku sameeyay soo xulista Xildhibaanada cusub ee Gollah Wakiiladda Puntland.

Puntland ayaa waxay galeysaa doorashadda iyadda oo ay ka jiraan daruufo fara badan oo lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay Gaas, waxaana kamid ah; amni xumo iyo musuq xargaha goostay.

Musharixiinta Puntland ayaa ku eedeeyay Cabdiweli Gaas inuu hareermaray dastuurka islamarkaana uu isku soo koobey magacaabista Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo ansixinta Gollaha Wakiiladda, oo xitaa uusan kala tashan ku xigeenkiisa Camey.

Maxamuud Khaliif Xasan [Jebiye], oo kamid ah Musharixiinta ayaa sheegay in hannaanka Gaas u maray magacaabista Guddiga uu ahaa mid aan sharciga waafaqsanayn, isagoo walaac ka muujiyey madax-bannaanida Guddiga iyo sida loogu kalsoonaan karo go'aammada ay soo saaraan, maadaama soo magacaabistoodii aan laga tala gelin qaybaha kala duwan ee bulshada, madaxda dhaqanka iyo musharraxiinta. [Halkan ka akhri warka]. 

Cabdiweli Gaas ayaa waxqabadkiisa kusoo darsaday mashaariic ay Puntland ka hirgeliyeen hay'addo aan dowli ahayn oo caalami ah kuwaasoo wadooyin, MCH-yo iyo howlo kale oo samafal ah ka qabtey degaanada maamulkan.

Waxa sidoo kale GAAS lagu eedeeyay inuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay markii uu waqtigiisu dhamaadey shaqaalaha xafiiskiisa u diray degeenadooda inay Xildhibaan-nimo ka doontaan, si isaga ugu codeeyaan xilli doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM