Gaas oo eryay Taliye-yaal ciidan xili amniga Garowe laga deyrinayo

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu shaqadii ka eryay hogaanka ciidamada xasilinta iyo Booliska ee gobolka Nugaal, sida ku cad Digreeto kasoo baxdey xafiiskiisa.

Gaashaanle sare Faarax Galangooli, oo ahaa taliyaha ciidamada Booliska ee gobolka Nugaal ayaa xilka laga qaadey, waxaana loo magacaabey Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse, kaasi si KMG ah usii haynaya.

Sida laga soo xigtey wareegtadda, Madaxwayne Gaas ayaa Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse udhiibey xilka Taliyaha ciidamada xasilinta Puntland, xili uu hayo madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka.

Masuuliyiinta uu Gaas xilka qaadista ku sameeyay iyo kuwa uu magacaabey wali ma aysan ka bixin wax falcelin ah, inkasta oo xiriro uu la sameeyay Warsidaha Garowe Online aysan noo suuragelin.

Magacaabista iyo xilka qaadista uu sameeyay Gaas oo kusoo aadeysa xili mudada xileedkiisu gabaabsi ah ayaa kusoo kusoo beegmaysa iyadda oo amniga uu kamid yahay fashilka maamulkiisa uu wajahayo.

Faarax Galangooli ayaa noqonaya masuulkii labaad oo ka tirsan gobolka Nugaal oo uu shaqada ka eryo Gaas, xili isla maanta uu xilkii ka xayuubiyey Gudoomyihii gobolka isaga oo udhiibey masuul kale.

Magacaabista iyo xilka qaadista uu maanta sameeyay Gaas ayaa imaaneysa xili faraha uu kasii baxayo amniga gobolka Nugaal, oo xaruntiisa Garoowe ay kooxaha mindiyo ku hubeysan dadka ka furta habeenkii waxyaabaha ay wataan, sida Mobile-ladda.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.

Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan Magacaabid Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal iyo xil ka qaadis Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland

Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd

Og: Duqa Degmadda Garoowe

Og: Madaxweyne ku xigeenka

Ujeedo: Magacaabid Taliayaha Xasilinta Gobolka Nugaal

Waxaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal waxaana sidoo kale laga joojiyay shaqadii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse,

Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay'adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta.

Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka.

- DHAMAAD - 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM