Gaas oo isbadalo ku sameynaya shaqaalaha hoose ee dowlada [Akhri]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland oo waqtigu kasii dhamaanayo ayaa waxaa weli uu wadaa isbadalada uu ku sameynayo saraakiisha hoose ee hay’adaha dowlada gaar ahaan kuwa haya xilalka la xiriira maaliyada.

Kadib markii June 28,2018 isbadal siyasadeed Madaxweyne Gaas ku sameeyey Agaasime waxeedyada maaliyada iyo maamulka wasaaradaha ayaa waxaa warsidaha GO u suurtagshay inuu helo wareegto ku taariikhaysan 27 June, 2018 taasoo maalin ka hor xil ugu magacaabey xisaabiyaha hay’adda Wadooyinka Puntland.

Xisaabiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland ayaa Madaxweyne Gaas waxaa u magacabey Cabdirizaq Maxamad Maxamuud oo qaraabo hoose yihiin agaasimaha PHA Cabdirizaq Yusuf Cilmi.

Talaabooyinka Madaxweyne Gaas ku sameynayo xilal kala badalista iyo magacaabida shaqsiyaadka cusub ayaa waxaa ay shaki badan ku abuurtey bulshada dagan Puntland gaar ahaan beelaha qaarkood kuwasoo u arka in xiligaan kala guurka ah in la beegsanayo.

Wasiirada dowlada ayaa sidoo kale intooda badan la dhacsaneyn isbadaladaan kuwasoo u arka in waqtigaan aysan waxba soo kordhineyn agaasime waxeedyo la kala badalo.

Dhinaca kale waxaa loolan adag ka socdaa xilka agaaimaha hay’ada Nabad sugida Puntland kadib markii mas’uulkii xakumay dhowaan shaqada laga eryey.

Madaxweyne Gaas ayaa sida wararka lagu kalsoon yahay xusayaan xilkaas u magacaabaya shaqsi aad ugu dhow iyadoo ay jiraan loolan ka dhexeeya beelaha qaarkood gaar ahaan kuwii uu kasoo jeedey sarkaalkii hore ee xilka laga qaadey.

Ha’ada sirdoonka Puntland ayaa howl-gab noqotey Afartii sano iyo barkii lasoo dhaafey iyadoo hadda sida laga soo xigtey Madaxweyne Gaas uu ka sheegay kulankii golaha Wasiirada inuu u soo heley wadamo maalgalin ku sameeya sirdoonka.

Gaas oo bare ka ahaa Jaamacad ku taal dalka Mareykanka  ayaa inta uu xilkaan hayey waxa musuqmaasuq baahsan ku sameeyey nidaamka shaqo bixinta maamulkaas.

Marka laga soo tago musuqmaasuqa baahsan ee ku dhacey nidaamka shaqo bixin ee hay’adaha dowlada ayaa waxaa siman is-dabamarin loogu sameeyey fursadaha ay baxshaan hay’ada caalmiga ah sida Bangiga Aduunka.

Madaxweyne Gaas ayaa xafiiskiisa waxaa uu si toos ah u maamuli jirey barnaamijka Bangiga aduunka ka wado maamulka Puntland kaasoo fursadihii shaqo ee ka soo baxay lagu qorey Dad siyaasad ahaan ku dhow madaxa ugu sareeya maamulkaan iyo kuwo ay qaraabo hoose yihiin.

Bangiga aduunka ayaa loo gudbiyey cabashooyin la xiriira nidaamka shaqo ee xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Puntland ayaa waxaa dhamaadka sanadkaan la dhacaya Doorashada Madaxweynaha kuwasoo La qabto Shantii sano mar.

Hoos ka akhri waraaqda Madaxweyne Gaas ku magacaabey xisaabiye hay’ada wadooyinka kasoo qaraabo hoose yihiin agaasimaha PHA: 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM