Gaas oo ka jawaabey maqaal lagu qorey Warsidaha Garowe Online [ Daawo]

Image

QARDHO- Kadib markii warsidaha Garowe Online uu baahiyey June 29,2018 warar sheegaya in Madaxweyne Gaas cabsi ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar kaga soo biirey difaaca jiida hore ee Tukaraq Halka ka akhri ayaa waxaa jawaab ka bixiyey Gudoomiyaha gobolkaas Cabdullaahi Maxamad Barre "Caato" isagoo sheegey in maqaalkaas xogta uu xambaarsanaa aysan waxba ka jirin.

Gudoomiye Caato oo ku hadlayey afka Madaxweyne Gaas ayaa sheegey in wesbite-yada ka howlgala carigaan ka waantoobaan waxyaabaha ay qorayaan isagoo xusey inuu akhriyey maqaal uu qorey warsidaha Garowe Online kaasoo uusan daabacin qof waxbadan ka yaqaana sharciga saxafada iyo arimaha amniga.

"Wargeysyada ka howlgala gudaha Puntland gaar ahaan Website-yada qaar kamid ah waxaan ku wargalinayaa iney ka waantoobaan waxyaabaha ay qorayaan, waxaan akhriyey maqaal uu qorey website sida aan ku arkey magaciisa la yiraahdo Garowe Online, maqaalkaas ma qorin qof waxbadan ka yaqaan sharciga saxaafada iyo arimaha amniga." sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo si ku adag qoralkaan uga akhriyayey warqad.

Caato ayaa ku xusey qoraal uu saxaafada u akhriyey in maqaalka Garowe Online lagu xusey labo qodob ka hadlayey; in Madaxweyne Gaas cagajiid iyo cabsi weyn ka muujiyey ciidamadii gobolka Karkaar kaga soo biirey difaaca Jiida hore ee Tukaraq iyo in Gaas uusan rabin in colaada Sool dhinac u dhacdo tan iyo inta qorshihiisa xil kororsiga dhaceyso.

"Ciidanka ka yimid gobolka Karkaar waa cutubyo kamid ah guutada 48aad waxayna kamid ahaayeen ciidamada Madaxweynihu amrey iney jiida hore ee difaaca ka howlgalaan, gudoomiye ahaana aniga ayuu ugu soo amrey in aan jiida hore ciidankaas geeyo, waana geeyey, qodobka Labaad Madaxweyne Gaas hadii uusan daacad ka aheyn xoreynta gobolka Sool ma diyaariyeen ciidamada kor u dhaafey Tobanka kun mana galeen kharashka dhamaan saameeyey dhaqaalaha Puntland." ayuu Caato sheegey isagoo aan ka jawaabin qodobka muddo kororsiga oo maqaaalkaan lagu xusey.

Cabdullahi Maxamad Barre ayaa ku xusey warsaxafadeedkiisa in Madaxweynaha Puntland uu xaal ka siinayo canaasiirta sidaas u fakareysa dankasta ay leeyihiin isagoo ku wargaliyey shacabka in Mudane Gaas ka go'an tahay sidii xasiloonni loogu soo celin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdulahi Maxamad Barre

Gudoomiye-yaasha gobolada oo lagu magacaabo wareegto ayaa waxay yihiin wakiilka Madaxweynaha ee gobolkaas iyadoo sida warsaxafadeedka ka muuqatey Cabdullahi Caato lagu amrey inuu jawaab ka bixiyo maqaalka uu daabacey wargeyskaan.

Warsidaha Garowe Online ayaa xogtaan baahiyey kadib markii warar lagu kasoon yahay u sheegeen in Madaxweyne Gaas si furan arinkaan kaga hadlay kulanka Khamiis-laha ah ee golaha xukuumada Puntland isugu yimadeen asbuucii lasoo dhaafey.

Dhinaca kale waxaan qarsoodi aheyn oo dhamaan degaamada Puntland ka socda barnaamij dowlada Madaxweyne Gaas kaga codsatey beelaha daga Puntland in ciidamada difaaca Tukaraq ku soo biiriyeen ciidamo beeleedyo kuwaasoo barnaamijkoodu si xowli ah ku socdo.

Madaxweyne Gaas ayaa inta uu talada maamulkaan hayey waxaa uu hoos u dhigey awoodii iyo tayadii ciidamada Puntland iyadoo dakhligii loogu talagaly barnaamijkaas la musuqaasuqey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM