Gaas oo kala diray golihii deegaanka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu kala diray golihii deegaanka degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wareegta ayaa meesha ka saartay maamulkii ka dhisnaa degmada iyo golihii uu hogaamiyay guddoomiye Yaasiin Mire Maxamud oo kursigan qabtay Sep 30, 2015.

Mire ayaa kamid ahaa guddiga amniga gobolka Bari, kuwaasoo bishii hore shaqo joojin ku sameeyay taliyaha qaybta Booliiska, Gaashaanle sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen, oo lagu eedeeyay habacsanaan dhanka amniga ah, kadib markii mallayshiyaad hubaysan ay weerar ku qaateen saldhiga dhexe ee xarunta ganacsiga Puntland.

Guddiga amniga ayaa ka horyimid dalab ka yimid guddiga uu soo wakiishay Madaxweyne Gaas kuwaasoo ahaa inay shaqada ku celiyaan taliye Cabdixakiim, kaasoo ay qaraabo dhowyihiin Madaxweynaha Puntland.

Arrintan oo muddo taagnayd ayaa kaliftay in guddiga amniga gobolka Bari Madaxweynuhu isugu yeero magaalada Garoowe isagoo kala hadlay arrinta shaqo joointa ay ku sameeyeen taliyihii qaybta, taasoo markii dambe sababtay in shaqadii lagu celiyo Gaashaanle Cabdixakiin.

Qorshahan ayaa u muuqda mid xilalka looga qaadayo guddigii amniga gobolka Bari ee shaqo joojinta ku sameeyay taliyaha qaybta, waxaana kamid ahaa Wasiirka Dekedaha, Guddoomiyaha gobolka Bari iyo mas'uuliyiin kale.

Digreetada lagu kala diray golaha deegaanka Boosaaso ayaa Madaxweyne Gaas, wuxuu u cuskaday mas'uuliyiinta shaqada laga eryay ay kasoo bixi waayeen waajibaadkii loo igmaday islamarkaana abuureen muran dhexdooda ah.

Maaha markii ugu horaysay ee Madaxweyne Gaas kala diro gole deegaan, waxaana dhowr jeer oo hore uu fasaxay golayaashii deegaanka Boosaas, Garoowe iyo Galkacyo mudadii uu xafiiska joogay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM