Gaas oo Olole siyaasadeed u isticmaaley booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya

Image

GAROWE- Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo ‘Cabdiweli Maxamad Cali Gaas’ ayaa waxaa booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ku yimid degaanada Puntland u isticmaaley ololihiisa siyaasadeed kaasoo uu damacsan yahay in xukunka ku sii haysto sanadaha soo socda.

Warsidaha GO oo u kuurgaley kulamadii Madaxweynaha Soomaaliya la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland ayaa ogaadey in Madaxtooyada Puntland ka hor-istaagtey Mudane Farmaajo inuu wax ka ogaado dhibaatooyinka dhaqaale, amni, iyo maamul xumo ee ka taagan Puntland.

Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo aheyd halkii soo dhoweynta ugu balaaran uu kala kulmey Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne Gaas si ba’an qaybaha kala duwan ee bulshada uga hor-istaagey iney kulamo gaar ah oo madax banaan la qaataan hogaanka sare ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta la og-yahay kulamo la qorsheeyey kula qaatey magalaada Garoowe odayaal ka tirsan beelaha daga Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn halka kulan kooban uu la yeeshey ururka PUNZA iyo MAP kuwasoo dhamaantood ka dhacey Madaxtooyada Puntland.

Kulanka kaliya ee Madaxweynaha Soomaaliya  kula qaatey dhinacyada bulshada goob ka baxsan aqalka Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa uu ahaa mid ka dhacey jaamacada Bariga Africa kasoo Mudane Farmaajo ku soo gudbiyey sida uu rabo in dalka Soomaaliya ku hogaamiyo sanadaha xukunka hayo balse ma  jirin cid munasabadaas ku soo bandhigtey xaaldaha dhabta ah ee ka jira Puntland, waxaana dhinaca ka taagnaa Maaxweyne Gaas.

kulankaan Jaamacada Bariga Africa ayaa waxaa weheliyey mid odayaasha Nugaaleed iyo Ganacsato u sameeyeen waqtiga Madaxweyne Farmaajo balse ma aheyn mid gaar ah.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa Mudane Farmaajo booqasho sharafeed ugu geeyey aqalada ay ka dagan yihiin Garoowe Islaan Ciise, Suldaan Garaase iyo Garaad Saleebaan kuwasoo ujeedkoodu ahaa inuu ku  qancinayo ineysan ka xumaan booqashada maalintii ku xigtey waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ku tagayeen magalaada Qardho halkaas oo uu ka jawaabayey casumaad gobolka Karkaar u fidiyey waftiga Farmaajo taasoo hormuud uu ka ahaa Boqor Burhaan. 

Issimada Puntland gaar ahaan kuwa Gobolada Nugaal ( Islaan Ciise, Suldaan Garaase), Boqor Burhaan iyo Islaan Bashiir  ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf ba’an kasoo sababteeda uu leeyahay Madaxweyne Gaas. Madaxweyne Gaas ayaa ku guuldareystey inta uu talada maamulkaan hayey inuu xaliyo khilafaadka ba’an ee u dhexeeya Sadexaan Issim.

Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay bulshada ku nool magalaada Qardho oo ay hogaaminayaan odey dhaqamedkooda iyo indheergaradka gobolka Karkaar ayaa waxaa ay qorsheysteen in Madaxweynaha Soomaaliya kulan gaar ah la qaataan iyadoo sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Madaxweyne Gaas ka codsadey inuu ka dhexbaxo.

Kulankaas gaar ah ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay waxaa lagu soo hadal qaadey sidii heshiis loo dhex dhigi lahaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Ra’isal wadarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid iyagoo sidoo kale lasoo hadal qaadey sida aysan raali uga aheyn in Villa Soomaaliya soo faragashato doorashada soo socota ee Puntland taasoo Madaxweyne Gaas qorshaheeda maleegayo isagoo  u maraya  booqashada Farmaajo ee goboladaan.

Wararka aan ka helyno dad ku dhow waftiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in waxgaradka Puntland inta fursada u heshey iney la hadlaan Mudane Farmaajo u sheegeen in soo dhoweynta balaaran ee loo muujiyey aysan aheyn tageero loo hayo maamulka Gaas balse ay tahay cagsigeeda iyo in hogaankii maamulkaan gabey kaalintii looga baahnaa.

Mashaariicda hurumarineed ee Puntland

Madaxwyene Farmaajo oo waqtiga intiisa badan looga dhameeyey intii uu ku sugnaa magalada Garowe booqashooyin lagu geeyey xarumaha Dowlada ayaa sida dadka la socda siyaasada gobolka ku sheegeen In ujeedku ahaa fariin Madaxweyne Gaas ku muujinayey in Puntland uu ka qabtey howl balaaran inta uu talada maamulkaan hayey.

Xarumaha Dowlada Puntland ee ku yaal magaalo madaxda Garoowe ayaa intooda badan waxaa la dhisey sanadihii u dhexeeyey 2009-2014 kuwasoo ay kamid yihiin xarunta Madaxtooyada, qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha sida Wasaarada degaanka, Wasaarada cadaalada, xabsiga weyn ee Garowe, xarunta Talafishinka Puntland halka  dhamaan dhulka Dowladu dagan tahay la asteeyey xiligii Madaxweyne Farole hogaanka mamaulkaan hayey.

Sidoo kale Mashariicda lagu dhisey Jidadka dhexmara magaalooyinka Puntland ayaa ku yimid barnaamijka JPLG ee midowga Yurub maalgaliyo kuwasoo Puntland ka bilowdey 10 kii sano ee lasoo dhaafey.

Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo intii lagu guda jirey soo dhoweynta loo sameynayey booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ku kala bixinayey dhismayaasha jidadka iyo xarumaha Dowlada waxaa uu sidoo kale iibinayey Hal ku dhagiisa ah Isku Tashi kasoo dadka Puntland intooda waxgaradka ah ay aaminsan yihiin inuu yahay mid lagu marin habaabinayo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Puntland.

Xiriirka Taariikheed: Madaxweyne Farmaajo iyo Gaas.

Madaxweyne Farmaajo oo siyaasada Soomaaliya soo galaiyey Cabdiweli Cali Gaas  xiligii uu ahaa Ra’isal wasaraha Soomaaliya ayaa sida taariikhdu qoreyso waxaa xiriirkoodu xumaadey markii xilka Ra’isal wasaraha uu ku wareejiyey. Farmaajo oo xilka lagaga qaadey kulankii Kampala ee lagu heshiiyey barnaamijka Road Map ayaa waxaa shaqsiyan Madaxweyne Shiikh Shariif uu ka codsadey in Ra’isal wasaaraha xukumadiisa ka dhigo Mudane Gaas, taasoo abaalkeeda uusan gudin.

Waxaa jirtey balan Cabdiweli Gaas u  sameeyey Mudane Farmaajo intii lagu sugnaa Kampala taasoo aheyd in uusan la tartami doonin doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyey iney dhacdo 2012. Tartankaas ayaa Madaxweyne Gaas oo Ra’isal wasaare ahaa iska dhinac sharaxey Mudane Farmaajo isagoo heley 30 cod halka Madaxweynaha iminka talada dalka haya uu heley codad u dhexeeya 12-14.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa waqtigii lagu gudo jirey doorashadii Madaxweyne ee  Soomaaliya ka dhacdey sanadkii 2017 waxaa tageero weyn u fidiyey Ra’isal wasaarihii hore Cumar Cabdirashid Sharmaake.

Madaxweyne Gaas oo ah gudoomiyaha golaha madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa xiriirka siyasadeed ee Maaxweyne Farmaajo hagaajiyey kadib kulankii Muqdisho ku dhexmarey madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka isagoo ka xarig furtey Cumar Cabdirashid. Gaas iyo Cumar Cabdirashid ayaa horey heshiis ugu ahaa diidmada mowqifka dhexdhexaadka ee Madaxweyne Farmaajo ka qaatey Khilaafka Khaliijka.

Golaha maamul goboleedyada ayaa waaa loo sameeyey in gorgortan siyasadeed lagula galo Madaxweyne Farmaajo kasoo hadda u xuubsiibtey mid Madaxweyne Gaas u isticmaalo mid uu ku raadiyo sidii Villa Soomaaliya ugu muujin lahaa inuu yahay hogaamiyaha saxda ah ee shacabka Puntland ku hogaamin kara horumarka dhinac walba ah ay u haraad-qabaan.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan waxay  tahay Madaxweyne Farmaajo, oo aan fursad dhameytiran u helin inuu si madax banaan u dhageysto qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland kuwasoo la kufaa kacaya dhibaatooyinka dhaqale, amni iyo musuqmaasuq ee ku hareereysan Nolol maalmeedkooda, ma noqon doonaa mid markale ku dhaca dabinkii siyasadeed ee Mudane Gaas u maleegey sanadkii 2012. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM