Gaas oo shir isugu yeeray Madaxda Maamullada Soomaaliya [Akhri]

Image

GAROOWE, Puntland- Warqad uu ku saxiixanyahay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ahna Guddoomiyaha golaha is-kaashiga maamullada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in shir wadatashi ah oo dhinacyadaas u dhaxeeya uu ka dhici doono magaalada Garoowe.

Shirkan oo la sheegay inuu qabsoomi doono 20 Maarso ee sannadkan kana dhici doono magaalada Garoowe, ayaa looga hadli doona danaha dalka iyo waxa kaga aadan maamul goboleedyada.

"Wadatashi kadib waxaa sharaf ii ah inaan ku dhawaaqo shirkii 2aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyadu dhici doono 20 bisha Maarso, kana dhici doono magaalada Garoowe," ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Cabdiwali Gaas.

Gaas ayaa intaas ku daray in shirkan uu yahay mid looga hadlayo marxaladda dalka iyo waxa kaga aadan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

"Shirkan oo looga tashan doono arrimo khuseeya danana dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka golaha kaga aadan." ayaa lagu yiri qoraalkan oo soo baxay maanta 10 Febraayo, 2018.

Arrintan ayaa soo baxday xilli magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka maamullada iyo dowladda Federaalka, kaasoo looga hadlayo arrimaha amniga iyo dhismaha ciidamada qaranka.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay, balse golahan ayaa la sameeyay sannadkii hore xilli uu jiro mugdi siyaasadeed oo u dhaxeeyay DFS iyo madaxda maamullada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM