Gaas oo u duuley magaalada Muqdisho xafladii 1da August kadib

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta u dhoofey magaalada Muqdishu halkaas uu kaga qayb galayo shirkii madaxda Somalida uga arinsanayeen xiliga la qabanayo doorashada Somaliya.

Kulankaan oo la filayo in maalinta berri ah ka furmo Muqdishu kaasoo looga arinsanyo waqtiga cusub ee la qabanyo doorashada Somaliya kadib markii uu fashilmey jadwal kii lagu heshiisyey magaalada Baydhabo.

Guddi doorashada Heer Federaal iyo beesha caalamka ayaa wararku sheegayaan iney dajiyeen jadwal cusub kaasoo la hordhigi doono madaxda Somalida si ay go'aan uga gaaaraan.

Furitaanka kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu ka maqan yahay magaalada Muqidshu Ra'isal wasaaraha Somaliya kaasoo u ambabaxey safar aan horey loo shaacin.

Madaxweynaha Somaliya iyo xubnaha siyaasad ahaan ku dhow ayaa ka welwelsan in doorashada qabsoomi weydo waqtigeeda madaama waqtigiisu ku egyahay bisha September ee fooda nagu soo haysa.

Dib u dhacaan ku yimid hirgalinta jadwalka doorashada ayaa xafiiska Madaxweyne Xasan Shiikh ku eedeynayaa iney ka dambeeyaan Ra'isal wasaaraha Somaliya iyo gudoomiyaha Barlamanka sababo aan la shaacin.

Dhinaca kale wel_wel midkaan lamid ah ayaa waxaa qaba Madaxweynaha maamulka KMG ee Koofur Galbeed Shariif Xasan kaasoo loolan siyaasdeed ka dhaxeeyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Somaliya kaasoo ka shaqeynaya in awooda siyaasdeed ku soo wareegto hadii doorashada qabsoomi weydo waqtigeeda.

Xasan Shiikh ayaa dhinaciisa olole ugu jira hadii dib u dhac ku timaado doorashada Somaliya in hay'adaha dowlada waqtiga loo wada kordhiyo balse aysan ku ekaan Barlamanka Federaalka kaliya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ku kala qaybsan waqtiga doorashada Somalia qabsoomeyso iyadoo diplomasiyiinta waqtigoodu ku egyahay bisha September dabada ka riixayaan in waqtigii loogu talagaley la qabto doorashada.

Go'aan walba oo wax looga badalayo waqtiga doorashada Somaliya ayaa sida warsidaha GO kasoo xigtey xubno ku dhow xafiiska wakiilka qaramada midoobey u qaabislan Somaliya ayaa waxaa go'aaminaya golaha amaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM