Gabar lagu dilay magaaladda Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Koox dhalinyaro ah oo aan wali tiradooda la cayimin ayaa xalay fiidkii waxay xaafada Garsoor ee magaaladda Gaalkacyo, qeybta Puntland, waxay dil arxan daran ugu geysteen gabadh.

Nimco Cumar Shire, oo 22-jir lagu qiyaasay, taasoo falka la kulantay iyada oo kasoo laabatay salaada Tarawiixda kuna sii jeeday hoygeeda ayaa u dhimatay dhaawac kasoo geeray Toorey dhuunta looga dhuftay.

Markii manaxayaasha sidaasi sameeyeen ayna goobta ka baxsadeen, waxaa iyada oo dhaawac ah meesha ka qaadey dad shacab ah oo geeyay Isbitaalka guud xarunta gobolka Mudug, halkaasoo ay ku ruux-baxday.

Saraakiisha caafimaadka "oo dareemay in ay nafta kasii baxeyso" ayaa waxay isku dayeen in ay su'aalo xaqiiq raadin ah waydiiyaan balse ma aysan hadli karin, sababtoo ah cuno mareenka oo waxyeelo daran gaartey.

Laamaha amaanka oo tan iyo waqtiga uu falku dhacay waday baaritaano ay ku ugaarsanayaa raggii falkan sameeyay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay gacanta kusoo dhigi doonan gacan ku dhiiglayaasha.

Xogo uu warsidaha Garowe Online ka halay hay’addaha amniga ee baaritaanka wada ayaa sheegaya in falka ahaa mid lagu la doonayey in Gabadha looga furto Mobil-keeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada goobta falku ka dhacay ay kasoo heleen telafoon ay ka carareen kooxdaan, taasoo sahashey in la aqoon-sado mid kamida ragga dilka geystay, oo horey ay ugu raad-joogeen.

Falalka la xiriira dhaca telafoonada oo maalmihii dambe kusoo kordhayey magaalooyinka Puntland ayey ciidamadu ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban-lahaayeen xili horey dhowr qof xukuno loogu rido kiisas la xiriira arrintaasi.

Nimca ayaa kamid ahayd ardaydii sanad dugsiyeedkaan u fadhiisatay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dowladda Puntland qaaday, kaasoo si nabad-gelyo ah gobolada Puntland ugu soo dhamaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM