Gallan oo ka hadlay qorshihiisa amniga Puntland [Daawo]

Image
Image

GAROWE, - Puntland - Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka cusub ee Amniga dowladda Puntland, oo wareysi gaar ah siiyey warsidaha Garowe Online ayaa ka warbixiyey qorshihiisa ku wajahan nabad-gelyada iyo gulufka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada.

Ugu horeyn, Wasiir Gallan ayaa sheegay in ay diyaarinayaan istaraatiijiyad adag oo ay kula dagaalami doonaan Al-Shabaab iyo Daacish oo falal amni daro ka wada degaanada Puntland.

- Amniga Boosaaso -

Wasiirka ayaa kahor inta aan loo magacaabin jagadaan waxa uu horey u soo noqday Gudoomiyaha Guddiga amniga gobolka Barri, halkaasi oo uu ka shaqeynayay muddo labo sano ah.

Mudadii uu jiray maamulkii Cabdiwali Gaas amaanka caasimad goboleedka Barri ayaa faraha ka baxay, iyada oo ay ku xoogeysteen Al-Shabaab iyo Daacish oo dilal ka fuliya, lacago baad ahna ka qaata ganacsatada.

"Maadaama aan gobolka kasoo shaqeeyay, xiriirna aan la lahaa wasaarada aan madaxda u ahay aniga oo aan nidaamka ku jirin, waxaan aaminsanahay in xogaha aan hayo aan ku guuleysan karno qorsha aan ku wajahayno," ayuu Wasiirka yiri.

- Lacagaha baada ah -

Marka laga soo tago lacagaha xoogaga Shabaab iyo Daacish ay ganacsatadda ka qaataan, waxaa la sheegay in ay jiraan shirkado iyo shaqsiyaad taageero maaliyadeed siiya kooxahaasi, kuwaasi oo degaanada Puntland ku dhaqan.

Wasiir Gallan oo wax laga waydiiyay qorshaha uga degan arrimahaasi ayaa ku nuux-nuux saday in ay ku sameyn doonaan baaris dhab ah, ciddii ku lug-yeelatana ay la kulmi doonto ciqaab adag.

"Raali haka noqdeen ama yeysan ka noqon..hadii ay jiraan shirkado iyo shaqsiyaad taageera argagaxisada..baaristeena kadib ayaan qaadan doonaa qorshaha aan ku wajaheyno iyo ciqaabta ay la kulmayaan," ayuu Gallan ku daray hadalkiisa.

- Dilka madaxii P&O Ports-

4-tii bishaan February, ayey ahayd markii Paul Fermosa, maamulihii shirkada P&O Ports u qaabilsanaa dekada Boosaaso, ay Al-Shabaab ku dishay qaybta Nad fish-ka ee marsadda xarunta ganacsiga Puntland.

Gacan ku dhiiglihii sameeyay falkaasi oo isla goobta ay ku qabteen ciidamada amniga ayaa goor dambe ku dhintay Isbitaalka magaalada Boosaaso inkasta oo dhakhaatiirta ay ku dadaaleen in ay badiyaan.

"Falkaasi argagixisinimo oo naga horeeyay waxaa ku howlan baaristiisa laamaha ku shaqada leh..macnuhu ma ahan in aan waxba haynin, balse waa in xogta baarista aysan bixin, mana ka horudhaceyno," ayuu Wasiirka amniga xusay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku rajo wanaagsan ka muujiyay in baaritaanka ay kasoo baxdo natiijo fiican.

- Daryeelka ciidamada -

Intii ay jirtay xukuumadii Cabdiwali Gaas waxay ku guuldareystay in ay siiso ciidamada difaaca dowlada Puntland xuquuqda oo ay ugu horeyso mushaarkooda, balse maamulka cusub ayaa balaanqaday in muhiimada 1aad uu siinayo arrinkaasi.

"Inta aan awoodno, waxaa naga go'an in ciidamada aanu siino xuquuqdooda…waxayna kamid tahay ahmiyadaha koowaad ee maamulka cusub," ayuu daba dhigay, isaga oo intaas ku daray "waanu daryeeli doonaa".

Dhaxalka xun ee uu maamulkii Cabdiwali Gaas ka tegay waxaa kamid ahaa in ay dhacday in markii ugu horeysay ciidamadu kasoo tagaan dhufeesyada, iyaga oo gadooday lana wareegay garoon diyaaradeed iyo xarumo dowladeed oo Ku yaalla caasimada Garowe.

"Hadii uu ALLE raali ka noqdo, waxaa dhici doonta markii ugu horeysay in si dhab ah loo daryeelo askariga Puntland ee ku dhibaatoobay dagaalada - isaga, qoyskiisa iyo caruutiisa - istaraatiijiyad ayaanu ka leenahay," ayuu yiri.

- Degaanada lagu muransan yahay -

Puntland ayaa isha ku haysa in 5-sano kadib ay qabato doorasho qof iyo cod ah, inkasta oo ay jiraan caqabado ay kamid yihiin muran ka taagan xuduudaha qaar, taasi oo wasaarada arrimaha Gudaha xalkeeda looga fadhiyo.

"Ha noqoto degaano lagu muran-san yahay ama degaano dhibaato amni ay ka jirto, dhamaantooda qorsho ayaa loo dejin doonaa oo lagu maareeyo," ayuu wasiir Gallan ku jawaabay markii wax laga waydiiyay mawduucaasi.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa cod dheer kaga dalbaday gabi ahaan shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya jiritaanka, madax-banaanida iyo sharafta qaranka.

"Si gaar ah, reer Puntland waxaa ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan laamaha nabad-gelyada, [oo loo midoobo] cadowga ayna keenan xogtiisa, horeyna looga dhaqaaqo meesha aan joogno," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WAREYSIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM